Booliska Somaliland Oo Xidhay Nin U Dhashay Pakistan Oo Baraha Bulshada ku faafiyey Sawirro Hablo Reer Somaliland Ah

0
618

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex  Jaamac Xaaji Axmed Cabdi   ayaa  sheegay in Ciidammada Booliisku xidheen Nin u dhashay Dalka Pakistaan, kaasi oo ku eedaysan inuu Baraha Bulshada ku faafiyey Sawirro ay ku jiraan Hablo reer Somaliland ah.

 

“Waddankeena waxa jooga Dad badan oo Ajaanib ah, Waayo? waxa jira Waddamo badan oo aynu deris nahay, sida Yemen oo Qoxooti badan uu Dalkeena ka joogo, Itoobiya oo aynu deris nahay Dad badan ayaa inagala jooga, Dad badan oo Ajaanib ah oo Ganacsi u yimid ama Hay’ado u shaqeeyaana way joogaan Somaliland, markaa in la ilaaliyo dhaqankeena iyo Diinteenu waa waajib uu Qaranku u igman yahay, sidaa darteed waxaanu Gacanta ku dhignay oo hadda xidhan Nin Pakistaani ah oo Baraha Bulshada soo dhigay Sawirrada Gabdho qaarna ajaanib yihiin, qaarna ay Waddankeena u dhasheen.”

 

Badhasaabku wuxuu sheegay in Ciidammada Booliiska oo Ninkaa daba-gal badan ku sameeyay ay ku qabteen Magaalada Berbera

 

“Markii aanu daba-gal badan ku samaynay waxay Ciidanku ku soo qabteen Berbera, waanu xidhan yahay, markaa Cid kasta oo dhaqan xun oo Diinteena, dhaqankeena iyo Karaamadeena Meel kaga dhacaysa samaysana waxaanu diyaar u nahay inaanu Sharciga hor-geyno..”ayuu yidhi, Badhasaabka

 

Ugu dambayn, Badhasaabku ma caddaynin in sawirrada baahintooda lagu haysto Ninku ahaayeen Sawirro aan anshax ahayn wanaagsanayn, sida in Habluhu aanay asturnayn oo kale, halka uu Sawirrada ka helay iyo hablaha Sawirradooda uu baahiyey inay Booliiska u soo cawdeen.

Jaamac Xaaji Axmed Cabdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here