Xadhiga Abees Iyo Saaxiibadii,waa farriimo aan fiicnayn, khaladkeena ma saxnaa mise dariiqii xumaa ayeynu dib u raacnaa, Nimankii

0
544

​Xadhiga abees iyo saaxiibadii,waa farriimo aan fiicnayn, khaladkeena ma saxnaa mise dariiqii xumaa ayeynu dib u raacnaa, Nimankii……………… by ADAN NOKIA

Xummaanta iyo dulmiga waxaa ka dhasha halaag Adduun iyo aakhiroba, wanaagga iyo caddaalada waxaa ka dhasha barwaaqo iyo liibaan, waa Sunan Rabbaani ah oo aan waxba iska beddelin, waa mid la hubo oo qof waliba arkay ama arki doono.
Caddaala-darrada ka dhacday saldhigayada,maxkamadaha,dawladaha-hoose iyo xafiisyada kale ee dawladda,waa wax aan qaarkood sheeko iyo shaahid lagu arag, laguna maqal,waxaana sababta koowaad iska lahaa madaxweynayaasha markaas magacaabnaa,iyagaana lagala xisaabtamaa aakhiro.
Caddaaladu waxay kasoo bilaabantaa,qofka naftiisa ,qoyska iyo bulshada,bulsho caafimaad qabta ayaa doorata madaxweyne caafimaad qaba,bulshadu haday bugto waxay soo saaraysaa madax xun-xun oo masiirkooda lumiya,caano xun dhigato iyana ku murud la’ .

30.kii sano ee lasoo dhaafay s/land waxaa dadaalka ugu badan geliyey odayaasha iyo culimada dabkii la shidaba iyagaa daminayey,qofkii kharribayana way ku qaylinayeen,waxaa dhinac socday nin siyaasi is mooday oo sawaaban oo habeen walba xadhig xun soo mal-mala, hadduu xil hayana af macaan oo been ah ku hadla amaro khaldana soo saara,waxay gabbaad ka dhigteen qabyaaladda oo ah meesha umadaha jaahiligu ku badan yahay lagu dullayn karo,doorashooyinkii lixdankii iyo kuwii ka dambeeyey la galay waxaa lagu isticmaalay qabyaalad,waxaa ka dhashay dawlado maqaar saar ah oo lugooyo mooyee aan nacfi lahayn,dadkiina waa kala qaybsamay,Tima-cadde ayaa ka tiriyey gabay (Nimankii mashaqaday dhigeen reerba dhan u moosay,suntay nagu mudeen wiilashii la is martiyi waayey :mudaahanada beenta ah kuwii nagu maqaar-saaray)
Dadka abwaanada ah inta badan waxaa ku jirta maskax wax hilaadisa,oo xumaanta ku qaylisa X.Aadan af qalooc,tima cadde iyo qaasin. gaarriye iyo hadraawi hadaad gabayadooda eegto waxaad ka helyasaa wixii dawladuhu ku dhinteen.

Dadka inta badan mukharibiinta ah ee ummadda dhibteeda iyo baaba’eeda ka shaqayaa iyagu kor uma hadlaan waxay ku shaqeeyaan farsamoyin suuq madow ah oo munaafaqnimo,oo dhagaro qarsoon ah,kuwaasi in badan oo ka mida waa kuwa inna ragaadiyey ee aynu dhibtoodii la tallaabsan weyney, waxaa la iisheegay nin wasiira oo intuu qof warqad u qoray ,hadana telefoon kasii hormariyey oo dhahay “Cirka u dir qofkaas hadduu kuu yimaado ” waxaan kaloo soo taagnaa qof dambiile ah oo la soo xidhay weliba askari ku soo dhaawacantay waqti badana ku bixisay,ayaa niman wasiiro ah iyo ganacsato isla xidhiidheen markiiba waa la sii daayo(sheeko reer diini ama sheeko lacag lacag mid uun)Haddee markay waxaasi dhacaan askarigii soo qabtay ee markii hore dayacnaa, muxuu yeelayaa,wax walba ka yaab ! Rag badan oo garsoorayaal ah ayaa kiisaski loo keenay xagga kale u rogay si badheedh ah,markii la ogaaday waa la eryey uun,dunida haddii garsoore lagu helo musuq,waxaa lagu xukumaa magdhow wuxuu geystay,wixii uu xukumayna waa lagu wada noqdaa, xadhigna waa lagu xukumaa,maxkamaduhu waa meesha dawladuhu ku dhisayihiin haddaanay caadi ahayn madaxweynuhu wuxuu doono ayuu samayn karaa waana u dhamaanaysaa dalkaas.
waxaa kaloo la sheegay in dugsiyadii xirfadaha ee kumaan kunka qof kasoo baxeen ee shaqada ku heleen laga dhigtay parking taasi waa waali cas,dhallinyarada maxaa beenta loogu sheegayaa,isbedel dhamaystiran ayaa loo baahan yahay iyo maskax fayow.
qofka musuq lagu helo wasiir ama madaxweyne kuu doono ha ahaadee marka aynu awood u helo in aynu xidhi karo, markaas baynu miyir qabnaa ,halkaas bay ku jirtaa bahashu yaan abwaan run sheegay la qabsan.
taasaa keenaysa in qabyaaladda laga baxo dadku midoobaan wax soo saar iyo horukac la sameeyo,arrinta ugu weyn ee wax waliba ku hagaagayaana waa in Rabbi loo hogaansamo, masaajidada bal horta la galo oo la ducaysto.

Allaah baa mahadle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here