Hoggaamiyaha Isbahaysiga Thirdway Alliance oo Dawladda Kenya ku Dhaliilay inay ka Gaabisay Xidhiidhka ka Dhexeeya Somaliland

0
402

“Somaliland waxay innaga baryeysay in ay Kenya ka furato Xafiis Hargeysa, Waxaynu u diidnay innagoo tixgelinayna Jamhuuriyada Argagixisadda ah ee Soomaaliya”

Hoggaamiyaha IsbahaysigaThirdway Alliance ee dalka Kenya, Dr. Ekuru Aukot, ayaa dawladda Kenya ku dhaliilay inay ka gaabisay sidii ay xidhiidh diblomaasiyadeed ula yeelan lahaydJamhuuriyadda Somaliland.

Dr. Ekuru Aukot oo ka hadlayey doodka baxday Telefishanka Ebru TVIsniintiila soo dhaafay oo lagu falanqeynayey xiisadda ka dhalatay cilaaqaadka Kenya iyo Soomaaliya oo xumaaday toddobaadkii la soo dhaafay,waxaanu caddeeyey in Kenya ayXafiis diblomaasiyadeed uga furan weyday Somaliland,iyadoo tixgelinaysa wax uu ugu yeedhay Jamhuuriyadda Argagixisada ah ee Soomaaliya.

 

“Somaliland waxay innaga baryeysayin ay Kenyaka furato Xafiis Hargeysa, Inkastoo Somaliland Nairobi ku leedahay Xafiis Ganacsi. Waxaynu u diidnay innagoo tixgelinayna Jamhuuriyada Argagixisadda ah ee Soomaaliya, Soomaaliya ayaa ku dirqiyaysa Kenya in aanayxidhiidh la sameynin Somaliland,”ayuu yidhi Dr. Ekuru Aukot.

Siday Faafisay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) oo soo xigatay TelefishankaEbru TV, Hoggaamiyaha isbahaysiga Thirdway Alliance, ayaa sheegayin dhibaatooyintaay Kenya kala kulmayso Soomaaliya sii soconaysoillaa ay Dawladda Kenyaxoojinaysocilaaqaadka ay la leedahaySomaliland isla markaana ay ciidammadeeda kala soo baxdo Soomaaliya.

 

Dr. Ekuru Aukot wuxuu sheegay in xudduuda u dhexaysa Kenya iyo Soomaaliyaaan wax calaamad ah lagu sameyn wixii ka dambeeyey markii ay dalalkaasi madax-bannaanida qaateen, waxaanu ku adkaystay in xalka kaliya ee muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya lagu xalin karo Maxkamadda caalamiga ah oo si rasmi ah uga garnaqda muranka xiisadda diblomaasiyadeed dhaliyey ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here