Askari Maraykan ah oo qorsheynayay weerar argagixiso oo la qabtay iyo hub badan oo laga helay gurigiisa: SAWIRRO

0
362

Askari ciidammada ilaalada xeebaha Maraykanka ka tirsan ayaa la xiray isaga oo looga shakisan yahay in uu qorshaynayay weerar argagixiso, sida ay muujinayso xog maxkamadeed.

Booliiska ayaa guriga Christopher Paul Hasson oo ku yaalla Maryland ka helay hub iyo rasaas.

Ninkan oo isku sheegay in uu ka mid yahay dadka ku kalax tagay la waynida caddaanka ayaa diyaarsaday magacyo uu bartilmaameedsanayay oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin caan ah oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, sida ay sheegeen dacwad oogeyaasha.

Waxaa la sheegay in uu ku dayanayay Anders Breivik oo dad badan ku laayay dalka Norway.

“Eedaysanahan ayaa doonayay in uu laayo tiro aan horay loo arag oo shacab masaakiin ah,” ayuu xog maxkamadeed ku yiri Robert Hur oo ah xeel ilaaliye degmo.

“Eedaysanuhu waa argagixiye gudaha ah oo ay ka go’nayd in uu nolol badan dhibaato u gaysto, arrintaas oo uu uga gol lahaa in ay saamayn ku yeelato hab dhaqanka dawladda.”

Dacwad oogeyaashu waxay sheegeen in E-mail uu qoray Hasson bishii Juunyo ee sannadkii 2007-dii uu ku sheegay “waxaan ku riyoonayaa qaabkii aan u layn lahaa dadka dunida ku dhaqan, waxaana ugu fiicnaan lahayd in lagu tallaalo caabuq halis ah oo bakteeriyo keento, marka sideen ku helaa hargabka Spain ama cudurka fantada, ma hubo balse wax uun baa ii suurtagali doona.”

Warbaahinta Maraykanku waxay sheegtay in 49 jirkan uu yahay hal xidigle ka shaqeeya xarunta dhexe ee Ciidammada Ilaalada Xeebuhu ay ku leeyihiin Washington uuna ku nool yahay Maryland

Ciidammada ilaalada xeebaha ayaa xaqiijiyay in la xiray mid ka mid ah askartooda balse ma aysan bixinin faahfaahin intaas ka baxsan.

Qoryo iyo biskoolado 15 ah iyo in kabadan 1,000 xabadood ayaa laga helay gobtii uu daganaa Hasson, waxaana intaas weheliyay daroogo sharci darro ah, sida uu sheegay xafiiska xeel ilaaliyaha.

Dadka ay macquulka ahayd in uu bartilmaameedsado waxaa ka mid ah Nancy Pelosi oo ah gudoomiyaha Aqalka wakiillada ee dalka Maraykanka, Chuck Schumer oo ah gudoomiyaha xubna tirada yar ee Aqalka Senate-ka ee xisbiga Dimuqraadiga iyo Chris Hayes iyo Joe Scarborough oo ah saxafiyiin ka hawl gala warbaahinta MSNBC.

Tan iyo sannadkii 2017kii Hasson ayaa darsay qaybo ka mid ah hab dhaqankii Anders Breivik ee ku aadanaa sida loo aruursado hub badan iyo sida dad bartilmaameed ah loo diiwaan gashado, sida ay ku eedeeyeen dacwad oogeyaasha.

 

Breivik ayaa 77 ruux dilay sannadkii 2011 ka dib labo weerar oo argagixiso ah oo uu qaaaday. Gaari uu qarxiyay ayuu ku dilay siddeed ruux oo ku sugnaa bartamaha Oslo, ka dibna 69 ruux oo kale ayuu toogasho ku laayay, badankood waxay ahaayeen dhallinyaro aan da’da labaatameeyada gaarin oo ku sugnaa goob uu soo abaabulay xisbiga shaqaalaha.

Hasson ayaa la xiray Jimcihii isaga oo loo haysto hub iyo daroogo sharci darro ah wuxuuna maxkamad hor tagi doonaa Khamiista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here