Wasaarada Caafimaadka Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantay Iscasilaad La Sheegay Inuu Wasiir Xasan Ismaacil U Gudbiyey Madaxweyne Muse Biixi.

0
430
Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Ayaa Waxba Ka Jiraan Ku Tilmaamtay Warar Ay Baahin Qaar Kamida Warbaahinta Dalka Kaasi Oo Ahaa Inuu Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Xasan Ismaacil Yuusuf Uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi U gudbiyay warqadii shaqo ka tagista, isagoo sabab uga dhigay inuu xanuusanayo isla markaana loo baahan yahay inuu nasto. 

Isuduwaha Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Gobalka Togdheer Dr Aadan Cilmi Diiriye Oo Ka Hadlay Arintani Ayaa Sheegay Inaanay Jirin Wax Iscasilaada Oo Uu Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Xasan Ismaacil Yuusuf U gudbiyey Madaxweyne Biixi, Waxa Kale Oo Uu Isuduwe Aadan Malay Sheegay Inay Wanaagsan Tahay Xaalada Caafimaad Ee Wasiir Xasan Ismaacil Ilamarkaasina Uu Ku Foogan Yahay Gudashada Waajibaadka Shaqo Ee Uu Qaranka U hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here