DEG DEG:Ex Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Siyaasinta Xubnaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE Ee Ay kaso Wada Jeedan Deeganada Gobalada Bariga Somalilan Oo An Wali U Anba Bixin Goobta Shirku Ka Dhacayo.

0
404

Guud ahaan siyaasinta golaha dhexe ee xisbiga kulmiye iyo wasiirada masuuliyiinta xilalka ka haya xisbiga kulmiye iyo wasiiradii horee xukuumadii madaxwayne siilanyo  ee kaso jeeda asal ahaan beesha habar jeclo oo an guud ahaanba ka qayb galayn shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye kaas oo la filaayo inuu maalinta beri ah 24 bishan ka furmo magaalada boorama.

Siyaasinta beelwaynta habarjeclo oo miisan culus ku lahaa asaaska iyo soo saarida xisbiga kulmiye wakhtigii doorashada madaxtoyada ee somaliland kuwaas oo ay hor kacayeen wasiirkii horee ee wasaarada madaxtoyada somaliland maxamuud xaashi cabdi wasiirkii horee wasaarada hawlaha guud iyo guryaynta cali xasan maxamed cali mareexan xildhibaan maxamed cali obaama wasiir maxamed xasan gafaadhi iyo siyaasin xilal kala duwaan ka hayay xisbiga talada dalka haya iyo xukuumadihii kala danbveeyay ee somaliland oo dhamaantodba ka qayb ahaa guulihii kala danbeeyay ee xisbiga kulmiye gaadhay .
Hadaba safarka madaxwayne muuse biixi cabdi uu maanta ku tegay maaalada boorama ee gobalka awdal oo loogu balan sanyahay in  maalinta beriya uu ka dhaco shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ayaan lagu ag arkayn hal siyaasi oo kaso jeeda beesha habarjeclo marka laga reebo wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland maxamed kaahin axmed oo isago saaxib dhow la ah madaxwayne biixi oo isku aragti iyo isku mawqifba ka yihiin siyaasada iyo arimaha xisbiga kulmiye ee deeganada bariga somaliland,sido kale waxaan ilaa hada la ogayn sababta uu xubnaha miisanka leh ee marxaladaha kala duwam uso maray xisbiga kulmiye maanta loogu arki wayay garbaha madaxwayne biixi iyago ay hareero socdeen xubnaha xisbiga ee deegan ahaan kaso jeeda gobalada galbeedka somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here