Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waa u dan aviationka Somaliland!

0
515

an iyo markii uu bilowday wadahadalka Siyaasadeed (Political dialogue) ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, Feb 2012ka ilaa maanta, waxa la qabtay kulano heerkoodu kala duwan yahay, kuwaas oo ka kala dhacay magaalooyinka London (February, 2012), Dubai (June, 2012), Istanbul (April, 2013, Jan, July, 2014) iyo Djibouti (Dec, 2014). Shirarkan waxa lagaga wada hadlay, laguna heshiiyey arrimo muhiim ah sida wadaagida deeqaha caalamka, iyo tababarrada, dhiirrigelinta horumarinta Somaliland, ka wada shaqaynta sugidda ammaanka, dagaalka lagula jiro argagaxisada, is-dhaafsiga xogaha,

la dagaalanka burcadbadeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, ka hortagga sunta lagu shubo badaha, dambiyada badaha ka dhaca iyo dambiyada waaweyn, iyo qodobo kaleba.

Marka la eegayo dhinaca Aviationka ama xal u helida muranka ka taagan Maamulka hawada sare ee ex-Somalia, shirka keliya ee qodobo arinkaa khuseeyaa ka soo baxeen waxa uu ahaa shirkii ka dhacay Istanbul July, 2014, kaas oo Somaliland iyo Somalia ku heshiiyeen in la dhiso gudiga maamulka hawada “Air Traffic Control Board” oo Xaruntoodu Hargeysa noqonayso iyo guddi farsamo oo ka kooban afar xubnood “Laba xubnood dhinac walba” oo ay kormeerayaan labada Wasiir ee u xil saaran.

Hase yeeshee heshiiskani waxa uu ku burburay muddo kooban, ka dib markii dawlada Somaliya fulin weydey qodobada 7aad iyo 8aad ee dhigayey in xarunta gudida maamulaysa hawada sare ay noqoto Hargeisa, iyo in la magacaabo guddi farsamo. Heshiis jebintan ay xukuumada Somaliya ku kacday waxa barbar socday dedaalo aan gabasho lahayn oo ay ku doonayso inay kula wareegto Maamulka hawada sare. Ugu dambayntiina waxa u suurtogashay dawlada Soomaaliya inay Muqdisho u soo wareejiso xaruntii laga maamulayey hawada Soomaaliya ee ku taalay Nairobi.

Intaa waxa dheer dedaal Soomaaliya ugu jirto in ay si buuxda ula soo wareegto maamulka Hawada inkasta oo taasi aanay sahlanayn. Sidaan marar badan sheegay habkii ay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya u socdeen dan umuu ahayn Aviationka Somaliland, waanay adkayd in xal waara lagaga gaadho muranka hawada sare ee u dhexeeyey Somaliland iyo Somaliya. Sababta oo ah Somaliland iyo Somalia, waxay isku diidan yihiin waa mabda` “principal” iyo masiir ummadeed kaas oo ay adag tahay in si fudud heshiis looga gaadhaa. Halkaa hadaan sii jilciyo, dhinaca Somaliland, gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland waa muqadas, lama taabtaan iyo waxaan gorgorton geli karin, sidaa si la mid ahna dhinaca Somaliya, midnimada Somaliya (oo ay Somalilandna ku jirtaa) waa muqadas, lama taabtaan iyo waxaan gorgorton geli karin! Ma muuqato inay Somaliland ka tanaasulayso gooni-isutaageeda, sidoo kalena lama filayo inay Somaliya ogolaato madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland. Waa kaaf iyo kala dheeri, waa laba mabd`a oo aan lahayn meel dhexe iyo xal dhexdhexaad ah oo la isugu yimaado.

Taa macnahedu waxa weeye, wada hadal kasta oo siyaasadeed oo labada dhinac dhex maraa wuxuu ku dhex burburayaa ama caqabad ku noqonaya “labadaa Muqadas”, xaalkuna wuxuu ku dambeynayaa i jiid aan ku jiidee, gacmo daalis, iyo kulamo is daba taxan oo aan xal waara iyo heshiis buuxa midna lagu gaadhin. Sida aan marar horeba sheegay, dawlada Somaliya (sharciyan) iyada ayaa ka masuul ah dhamaanba maamulka hawada ex-Somaliya (oo Somalilandna ku jirto), maadaama ay tahay dawlad caalamku ictiraafsan yahay, halka Somaliland aanay haysan ictiraaf caalami ah.

Taasina waa ta keentay inay Somaliya keligeed mar walba dedaal ugu jirto la soo wareegida maamulka hawada sare. Hadaba, si Somaliland awood iyo saameyn (influence) weyn ugu yeelato go`aanada laga gaadhayo arimaha ku saabsan maamulka hawada sare ee ex-Somaliya, si aan hakad ugu iman koboca aviationka Somaliland oo hadda meel wanaagsan maraya, si aan khalkhal ugu iman habsami u socdka duulimaadyada rayidka ee u kala goooshaya Somaliland iyo Somaliya, isla markaana looga hortago colaad hor leh oo ka dhex qaraxda Somaliland iyo Somaliya taas oo salka ku haysa arimaha aviationka, waxaan talo ahaan ku soo jeedinayaa;

1. In la furo wada hadal farsamo oo u gaar ah arimaha aviationka kaas oo dhex mara khubarada arimaha duulimaadyada rayidka ee Somaliland iyo Somaliya.

2. Wada hadaladani waa inay ahaadaan kuwo ka madax banaan arimaha siyaasada (dabcan gebi ahaanba siyaasadi kama madhnaan karto wada hadalkan ee waa in lagu soo koobaa arimaha u danta ah aviationka)

3. Maadaama dhinaca Somaliland ay jirto Hay`ada Duulista iyo Madaarada oo madax banaan, balse dhinaca Soomaaliya aanay Hay`ada Duulistu madaxbanaani buuxda haysan, sidoo kalena Soomaaliya leedahay Wasiirka Duulista Cirka balse dhinaca Somaliland aanuu hadda jirin wasiirkaasi, waa in wada hadalada lagu bilaabaa heer Maareeye aviation (Directors of Civil Aviation Authorities).

4. Waa in gudiyada farsamo ee labada dhinac ee ay ku jiraan dhalinyaro leh aqoonta cusub ee aviationka iyo ruug cadaagii hore oo wata sanado badan oo khibrad ah.

5. In goobta wada hadalka ama kulanka gudida farsamo ka dhacayaa noqoto Djibouti, sababta oo ah Djibouti waa dad/dal aynu asal, midab, diin, luqad, iyo dhaqanba wadaagno oo labada dhinac isku soo dhoweyn kara. Intaas oo keliya maaha, ee dalka Djibouti fogaan ahaan waa kambalka taas oo u sahlaysa labada guddi inay si fudud Muqdisho iyo Hargeisa ugu dhoofi karaan, haddii ay u baahdaan inay la tashiyo la sameeyaan madaxdooda sare. Guntii iyo gabogabadii arimaha aviationku waxay u baahan yihiin in lagu dhameeyo wada shaqayn (Cooperation), balse uma baahna iska horimaad (Conflict) iyo is muquunin.

Cabdikariim Cali Cilmi (Baarjeex)
MSc, MA, BSc, Dip Aviation Consultant Herer Aviation Solutions www.havisol.com abdikarimwais@gmail.com
https://www.linkedin.com/in/abdikarim-elmi-wais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here