Weerarkii xalay oo saakay lasoo afjaray iyo khasaare baaxad leh oo ka dhashay: SAWIRRO

0
839

 

Waxaa saakay lasoo afjaray weerarkii qaraxyada iyo lugta isugu jiray ee xalay lala eegtay hotelka Makkah Al-mukarrama iyo maqaayadda Hillaac UK oo isa saaran, sida ay sheegeen hay`adaha ammaanka ee howshaas ku gudo jira.

Labo qarax oo xooggan oo laga maqlayay inta badan magaalada ayaa lala eegtay maqaayada Hilaac iyo Hotelka loo yaqaan Maka Al-Mukarama.

Qaraxyada ka dib ayaa waxaa la maqalay rasaas xooggan oo dhaceysay oo loo maleeynayo inay dhex mareysay kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay meel dadku ku badan yihiin kuwaasi oo ku shaaheynayay kuna caweeeynayay.

Wararku waxa ay sheegayaan in qaraxyada loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay kuwaas oo ka dhacay agagaarka Hotelka Maka Al-Mukarama iyo maqaayadda Hillaac UK.

Khasaaraha ka dhashay qaraxyada ayaa ah kuwo aad u ballaaran oo isugu jira naf iyo maalba, waxaana tirada dhimashada ee la xaqiijiyay ay kor u dhaafayaan 20.

 

Isbitaalada oo la geeyay dhaawacyo badan ayaa waxaa ay dalbanayaan dhiigaga noocyadoodu kala duwan yihiin.

Al-Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna sidoo kale sheegeen in dableydoodu ay gudaha u galeen huteelka Maka Al-Mukarama, balse gadaal laga xaqiijiyay in ay galeen dhismaha maqaayadda Hilaac oo hotelka ku dhaggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here