Xog Xiiso Badan Akhri Xagay Ka Bilaabatay Xiisada Dagaal Ee Pakistan Iyo India

0
751

ashmir Waa ” Dhulkii Sacfaraanka” Waana “Janadii Arlada”

Wakhtigii Gumeysiga Ingiriiska ?? Ee Labadaasi Wadan India ?? iyo Pakistan ?? Meesha Loo Yaqaanay “Jammu Iyo Kashmir” Wuxuu Ahaa Dhul Ka Madax Banaan India ?? iyo Pakistan ??.

Kadib Markii Uu Ingiriisku Ka Baxayey india Iyo Pakistan ?? Waxa Uu Dhulkii Jammu Iyo Kashmiir Ee Madaxa Banaanaa Uu Ka Iibiyey
Siduu Ethiopia ?? Uga Iibiyey Dhulkii Somali Galbeed,
Boqortooyadii “Mahraja”Ee Uu Wakhtigaa Hogaanka U Hayey Boqor “ Hari Singh”

1947-Dii Ayaa Waxaa Ingiriiksu Siiyey India Xornimo Buuxda, Kadib India ?? Waxay U Kala Jabtay Laba Wadan Pakistan Io Muslim U Badnaayeen, Iyo India ?? Oo Hinduusam U Badnaayeen.
Boqorkii Haystay Dhulkii Xorta ahaa’ Ee Jammu Iyo Kashmiir, Ee “ Hari Singh” Waxaa La Kala Dooransiiyey, Inuu Raaco India ?? Ama Pakistan ??.

Boqor “Hari Singh” Markii Uu Talo, Rog-Rogay Waxa U Soo Baxday Oo Aanu Qaatay Go’aan Ah’ Inuu Dalkiisa U Madax Banaanaado, Oo Aanu Labada Dhinac Midna Raacin Oo Dalkiisu Xor ahaado Dadkiisuna Madax Banaanaadaan.

Hadaba Dadka Reer Jammu Iyo Kashmiir Ee Boqorkaasi Xukumayey 80% Waxay Ahaayeen Islaam, Waxaanay Qaadaceen Go’aankii Boqorka Ee Ahaa’ Inay Dhulkooda Labada Dhinac Aanay Dhinacna Raacin. dadkii Islaamka Ahaa Ayaa Kasoo Hor-jeestay Boqorkii Iyaga Oo Doonayay Inay Raacaan Kuna Biiraan Walaalohooda Islaamka ah’ Ee Reer Pakistan ??. Dagaalo Qadhaadh iyo Iska Hor Imaadyo Ayaa Ka Dhex Qarxay Boqortooyadii “Hari Singh” Xukumayey Ee “Mahraja” Iyo Dadkii Islaamka ahaa, Waxaana Dhacay Oo Dhex-Maray Dagaalo Lagu Hoobtay.

Dagaaladii U dhexeeyey Boqortooyada Iyo Dadkii Islaamka Ahaa, Ee Reer Jamu Iyo Kashmiir, Ayaa Sii Fool-Adkaaday, Waxaana Dagaalkii Kusoo Biiray Beelo Usoo Hiilo Tagay Walaalohood Reer Jammu Iyo Kashmir Ee Boqorka Dagaalka Kula Jirey, India ?? Beelahaas Waxay Ku Eedaysaa Inay Yihiin Kuwo Reer Pakistana Oo Ay Dawladaasi Soo Hubaysay, Halka Dawlada Pakistana?? Ay Ku Andacoonayso, Inay Dadkaasi Yihiin Kuwo U Dhashay Goobtaasi Jammu Iyo Kashmir, Se Xaqiiqada Ayaa Ah’ In In Pakistan Ay Hubayn Jirtay Qabaa’iladaasi.

Gurmadkii Islaamka Ee Tirada Badnaa Iyo Gulufkii Dagaal Ugu Dambayn Waxaa Laga Xoog Roonaaday Oo Xukunkiisii Dambaska Laga Dhigay Boqor ‘“Hari Singh”, Waxa Uu Firxad Ku Galay Dalka India, Waxaanu U Sheegay India ?? in Dhulkiisii Ay Ka Qaadeen, Muslimiin Ay Dabada Ka Riixayso Dawlada Pakistan ??.

India Ayaa Kansho Ka Heshay Halkaasi, Waxaanay Boqorkii U Sheegeen Inay Garab-Buuxa Siinayaan, Laakiin se Isaguna Uu Kusoo Wareejiyo Si Shuruud La’aana Dawladiisii Jammu Iyo Kashmir,

Boqor Hari Waxa Uu Si Shuruud La’aana U Saxeexay Heshiiskii, Ahaa In India Uu Ku daray “Jammu And Kashmir”, Waxaanay India Soo Qaaday Dagaal Kaasoo Ay Ku Difaacayso Dhulka Lagu Daray Ee Jammu Iyo Kashmir, Waxaanay Dagaalkaas Ka Bilowday Caasimada,Dalkaasi Ee “Srinagar”, Waxaanay Wiiqeen Ciidamadii India ?? Awoodii Beelahii Is Bahaystay Ee Islaamka ahaa, Waxaana Laga Qabsaday Meelo Badan Oo Uu Ka Mid Ahaa, Airtportkii Caasimada Iyo Goobo Kale,Oo Muhiima.
Pakistan ?? Markii Ay Aragtay In Laga Awood Batay Beelihii, Ayaa Waxay Sameeyeen Baaq Kaasoo Ay Ku Iclaamiyeen Inaanay Suuro Gal Ahayn, In Dhulkaas Iyadoo Aan Dadkii Afti- Loo Qaadin In Boqorku Siiyo India ??.

Pakistan ?? Baaqeedii Cidi Uma Joojin Ee India Dhulkii Ayay Kusii Fiday Waxaanay Awoodeedii Ciidanba Isugu Gaysay Qabsashada Dhulkaasi Boqor Hari siiyey, Qabaa’ilkii Islaamka Ahaa Ee Pakistan Hubayn Jirtayna Dagaalkii Iyo Difaacay Ay Kula Jireen Ciidamadii India Way Sii Wadeen, Pakistaan Ayaa Yaqiinsatay Inaanay Qabaa’ilkani Iska Dhicin Karayn Quwad Dawladeed Oo Hor-leh, Waxaanay Pakistan Kasoo Baxday Daaha-Dabadiisii Iyadoo Si Toosa Dagaalkii Ugu Soo Biirtay, Kuna Anadcoonaysa Inay Xuduudaheeda Difaacanayso. dhanka Kale India ?? Ayaa Iyana Diiday In Cod-Aftiya Loo Qaado Dadkaasi Maadaama Ay Pakistan ??Qayb Kamida Haysato Dhulkaasi.
Markaas Xabad Joojin Ayaa Dhacday Waana La Dhex Galay, Laakiin India ?? Ayaa Qabsatay Dhulka Ugu Badan, Ee Dalkii Jammu iyo Kashmir, Halka Pakistan Iyo Qabaa’ilkeedii Ay Qabsadeen Qayb Yar.

Kadib Dagaalo Googoosa Oo Qadhaadh Ayaa Dhacay, Dhexmarayna Labada Dal, Dagaaladii Ugu Waaweynaa Es Sadexda Ahaa, Waxa Ay Dheceen, Sanadihii 1948-1965-1971, Dagaalkaa Dhacay 1971-dii Waxa Uu Ahaa Dagaalkii Ugu Adkaa Ee Pakistan Ay Ka Goosteen Barigeedii, Waxaanu Ahaa Dagaalkii Ugu Adkaa Ee Labada Dal-Dhexmaray.

Waxaana Samaysantay Xuduud U Dhaxaysa Labada Dal,Waxaana Lagu Magacaabaa “LOC” ( Line Of Control).

Intii Labadan Dal Is Haysteen, Waxay Qasaareen Labadooba Qaybo Kamida Dhulkoodii.

– India ?? Intii Ay Dagaalkan Ku Jirtay Waxaa Ka Faa’iidaystay Fursadna Ka Heshah Dalka Shiinaha ??, Waxaanu Sanadkii 1962-Dii Ka Qabsaday Qayb Kamida Dhulkii Laysku Haystay, Ee Jammu Iyo Kashmiir, Waxaanu Qabsaday 20%, Qaybtii India ??, Shiinuhu Dhulkaa Ilaa Iyo Maanta Waa Uu Xukumaa Sidaas Ayaanu Ku Qaatay.

– Pakistan ??, Waxay Qasaartay Oo Ka Go’day Sanadkii 1971-dii Dhulkeedii Bariga Pakistan ?? Oo Hada Loo Yaqaan Bangladesh ??.

Dhulkii Jammu Iyo Kashmiir Waxa Uu U Kala Qaybsamay, Sadex Qaybood,

1- India ?? 45%
2- Pakistan ?? 35%
3- China ?? 20%.

•— Qaybta India
_____________________

Qaybta India ?? Ee Jammu Iyo Kashmiir, Waxay U Samaysay Maamul U Gaara Gobolkaasi, Waxaanay U Kala Qaybisay Sadex Qaybood, Oo Ay Kala Sooceen Kala Maamulna Ka Dhigeen, Kuwaasoo Kala Ah’

1- Jammu:- Qaybtan Jammu Dadka Degani 70% Waa Dad Haysta Diinta Hinduuga, Si Kasta Oo Ay Dhib Iyo Horumar La’aani U Haysato, Walow Aanay Dhibtu Ku Badnayn, Hadana Waxay Taageersanyihiin, Inay Kamid Ahaadaan India ??, Waxaana Degan Dad Lagu Qiyaaso Ilaa Laba Milyan “2M”

2- Ladakh:- Qaybtan Ladakh Waxaa Degan Dadka Haysta Diinta Budhiistaha, Waana Qaybta Dadka Ugu Yari Ku Nool yihiin 500,000 Oo Qof Ayaa Ku Nool, Waana Qayb Aanu Qaskeedu Badnayn Maadama Ay Dad Kooban Yihiin, Walow Ay Horumar La’aan Baahsani Ka Jirto’ Waana Ummad Baqda Oo Hindida Taabacsan Inay Kasii Mid Ahaadaan.

3- Kashmir:- Qaybtan Kashmiir Waa Qaybta Dadka Ugu Badani Ku Nool yihiin, Waxaana Ku Nool 4-Milyan Iyo Badh Ilaa 5-Milyan, Waana Dad Haysta 96% Diinta Islaamka, Waa Qaybta Ugu Qaska Iyo Qalalaasaha Badan, Waxaana Ka Jiray Jabhado Badan Oo Islaamiya, Isla markaana Doonaya Una Dagaalamay Inay Ku Biiraan, Dalkoodii Pakistan ??, Halka Qaarna Ay U Dirirayaan Una Dagaalamayaan Inay Helaan Gooni Isu Taag, Oo Ay Dalkoodii La Qaybsaday Soo Ceshadaan.
Ilaa 15-Jabhadood Iyo Sideed Xisbi Siyaasadeed Oo Xora, Ayaa Ka Jira.

Waxa Ay India ?? Qaybtan Kashmiir Ka Samaysay Wershado Sameeya Maryahay Suufka Ah’ Ee Qaaliga Ah’ “ Pure Kashmir Wool”
Iyo Sidoo Kale Goobo Waaweyn Oo Ay Yaalaan Makiinado Lacagta Lagu Sameeyo.
Waxaana Ka Jira Oo Dastuurka Dalkaasi India ?? Ku Qoran In Lagu Tacadiyi Karo Dadkaasi, Waxaa Jooga Ciidamo Si Khaasa Dawlada India Ugu Tababartay Oo Halkaasi Ka Geysta Dhibaatooyin, Kufsiyo, Caga juglayn, Xasuuqyo, iyo Xadhig, Waana Ciidan Dhan “1-Milyan” Oo Ciidana, Oo Si Gaara U Tababaran, Si Ay Dadka U Cabsi Geliyaan.

•—Qaybta Pakistan ??
____________________________

Qaybtan Pakistan Maamusho, Waa Qayb Xor’ Ah Oo Maamul U Gaara leh’ Waxaana Lagu Magacaabaa “Azad Kashmir” ( Kashmiirtii Xort Ahayd) Waana Qayb Haaddi Ah Oo Degan, Walow Ay Woxoogaa Horumar La’aani Ay Ka jirto Hadana Waa Deegaan Xornimo Buuxda Haysta.

Se Magac Ka Duwan Ayay U Yaqaanaan Hindudu Qaybta Ay Pakistaan Haysato, Waa Magaca “Pok” ( Pakistan Occupied Kashmir) Qaybta Kashmiir Ee Pakistan Xooga Ku Haysato.

•—- Qaybta China ??

___________________________

Qaybtan Uu Shiinuhu Haysto Waa Dhul Buuralay Ah’ Waxaana Ku Nool Dad Aan Badnayn Waxaana Loo Yaqaanaa “Aksai Chin”, Waana Dhul Qurux Badan, Oo Dawlada Shiinuhu Aanay Xoriyad Siinin Dadka Tirad Yar Ee Halkaa Ku Nool, Waana Dad Haysta Diinta Budhiistaha Se Wax Cabudhin Ahi, Kama Jirto, Walow Aanu Horumar Badani Ka Jirin. Heshiisyo Ay Kala Saxeexdeen Dalalka Hindiya Iyo Shiinuhu Sanadihii 1993- 1996- “ Locc” ( Line Of Actual Control) Ayaa Ay Ku Heshiiyeen Inay Xuduudaas “Locc” Samaysteen, Xuduudaas Oo Aanay Isu Soo Dhaafi Karin, Labada Dal, Dadku Se Isu Tallaabi Karaan, Munaasibadaha Diimaha, Iyo Ganacsigaba, Wada Wadaagi Karaan, Waana Sababta Keenta Inaan India Iyo China Dagaal Ka dhex Dhacin Marnaba, Oo Heshiisyadaa Ayaa Dabraya, Halka Pakistan Iyo India’na Ay Dhex Maraan Dagaalo Iyo Colaado Joogta ahi’ Oo Ah’ Ta Maanta Ka Taagan.

Kashmir Waxa Uu Islaamku Soo Gaadhay Dabayaaqadii Qarnigii Koowaad Ee Islaamka Ee Tirsi Taariikheedka Hijriyada, Waxaana, Qarnigii Sideedaad Ee Tirsiga Hijriyada, Waxaa Amiir Ka Noqday Kashmir, “Bel-Bel Shah”, Ugu Dambayn Waxay Ku Yeesheen Islaamkii Boqortooyo Xoog Badan.

Dhulkan Ayaa Ah, Dhul Aad U Qurux Badan Joog Sare Ku Yaal, Lehna Buuro Aduunka Kaloo Dhan Ka Sareeya, Waa Dhul Aad U Udgoon Oo Udug, Waxaana Guud Ahaan Ka Ura Geedka Sacfaraanka Dhulkan Dhamaantii, Waana Dhul Barafley’ Ah, Taariikhyahanadu Waxay Ku Tilmaamaan “Janadii Arlada”.

W/Q: Fadxi Garaad ciise Fadxi Greenford
cont: Aqoonyahanfadxi@gmail.com or 63- 4001631

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here