War Deg Dega”Xeerki lagu kala Diraayay Golayaasha Degaanka Somaliland oo loo soo Gudbiyay iyo cida sharciyada kala dirida leh.

0
1131

Hargeysa (Qoryaalenews)Golayasha Degaanka Dalka Somaliland ayaa la soo Doortay 2012 Bishi December oo muda Xileedkooda Sharciiga aha ku eka 2017 Bishi December balse Doorashadi oo Dalka ka qabsoomi wayday darted waxaa Golaha Gurtidu u kordhiiyen  muda 12 Bilood oo ku began 31 March 2019   oo 21 cisho inaga xigto,

 

Hadaba waxaa mudooyinki u danbeeyay la hadal hayay sida Madaxweynaha Somaliland ka yelayo Golayasha Degaanka iyo Waakilada oo mudadi loo kordhiiyay dhamaatay     hadaba Madaxweynaha ayaa isago ka badheedhaya kala rebay labadi gole oo Waakilada oo muda 16 sano joogay oo la mida 3 doorasho Barlamaam iyo Golaha Degaanka oo muda sanad kaliya muda dhafay .Madaxeynaha ayaa waxuu golaha Gurtida u gudbiyay Golaha Waakilada inay muda sanad ah u kordhiiyan waxanu siyay 82 Mudane Goolaha Gurtida min 5000 Dolar si sanadka u kordhiiyan.

Waxaa iminka muqaata inaanay Doorasho u muqan inay dalka ka dhacayso balse waxaa Xeerki Doorashoyinka u Garyaqaanka Qaranka Cabdisamad u soo Gudbiyay Golaha Waakilada Maalinti Shalay  oo Golaha Waakiladu ku soo Noqden Golahodi xeerka oo Qodob lagu soo kordhiyay u qoran in Muda Xileedka Goolayasha Degaanka marku wakhtiigoodu Dhamaado in Wasirka Arimaha Gudaha Somaliland U madaxweynaha u soo gudbinaayo soo Jedin ah in la kala diro Golayasha Degaanka Somaliland  .

Madaxweynuhuna isaga  cuskanaya soo jedinta wasirka oo sida ku kala diraayo   Waxaa qorshaysan sida Shabakada Qoryaalenews  xog ku heeshay inu madaxweyunuhu kala dirayo   bisha April horaanteda balse diyaar u tahay hada warqada ku kala diraayay balse u doonayay xeer iyo Qodob u cuskado  .

hadi tasi rumoowdo  waxaa hog madow ku dhacaysa Somaliland oo ku socotay wadadi aqoonsiga.  kana soo gudubtay  imtixaan badan oo ka mid ahaayen doorashoyin badan ka soo qabten madaxweynayaashi Muse Bixi ka horeyay  ,waxaa istaagi doona mashariicda hayadaha UN JPLG ka cawiiyan Dawlaha Hoose oo mamuulo xafiska madaxweynekuxigenka Somaliland.

Waxaynu egna Bisha April iyo kala Diirida Golayasha Degaanka Dalka Somaliland oo Madaxweynaha Somaliland qorshaystay inu kala diro .

Waana lagu xusuusan Doono sida Cabdi Weli Putland Kala diray Goolayasha Degaanka Putland,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here