Qeex Yoolkaaga Oo Noqo Mid Nolosha Ujeedo Ka Leh

0
1234

Yoolka ama haddafka waa bartilmaameed loo maro hiigsi iyo himilo dheer, dedaal iyo wakhti badana lugu bixiyo sidii looga midho dhalinlahaa, waana ujeedada qofkastaa uu ka leeyahay nolosha.

Igu horayn inta aanan gudo gelin mawduucan aynu isla qaadano wax ay tahay Cibaaddo, “Cibaado waa wax kasta oo allah jecelyahay oo raali kayahay ayaa cibaado layidhaahdaa In aynu kasoo baxno ayaa waajib ah”.

Hadafka aad u nooshahay ee aan u noolahay waa “ ilahay in aynu barano” isagaa iskaga keen warmay oo sifadiisa, awoodiisa, makhluuqaadkiisa inoo sheegay, ee in aynu ku xidhnaano kitaabka quraanka iyo sunaha nabi muxamed csw si aynu u fahano oo ugu dhaqano hadafka aynu nolosha ka leenahay.

Qormadeenan ciwaankeedu yahay Qeex Yoolkaaga Oo Noqo Mid Nolosha Ujeedo Ka Leh, waxaan kusoo qaadan doonaa Saddex ujeedo oo dadka dunida joogaa ay u noolyihiin kuwii hore u soo marayna ay u noolaan jireen waxayna kala yihiin.

1. Ujeedo Macno faro badan aan lahayn: Ujeedadda noocan ahi waa mida qofka bini-aadamka ahi uu ku noolyahay nolol aanu muhiimad iska saarin, tusaale ahaan, qofka dhalinyarta ah ee kunool ama kunoolaan jiray nolosha noocan ahi waa mid aanu noloshiisa ku xidhin wax masuul iyo xil isisaarid ah, seexo, cuno, cab, sootoos, raaxayso, sheekee, nolosha noocan ahi malaha macno buuran oo la taaban karo qofka ku jiraana wuxuu u dhexeeyaa intaas aan tilmaamay oo keli ah, mana jiro wax kale oo uu ku fikiraayo.

2. Ujeedada Aduunka wax kanoqosho ah: Ujeedada noocan ahi waa mid ku yar inta badan dhalinyarta Somaliyeed, kuna badan inta badan dhalinyarta wadamada reer-galbeedka, nolosha noocan ah waxaa lugu tartamayaa magaca iyo muuqasho, qofka dhalinyarta ah ee ku dhexjiraana wuxuu xooga saarayaa ka dhex muuqashadda dhalinyaradda lodkiisa ah (da’adiisa ah) ee dunida kale si uu uga dhex muuqdo ayaanu aqoon, cilmi, saynis, Tiknooloji iyo xisaabaad uu u baranayaa.

3. Hadaf Hiigsasho dheer leh(Waara): Ujeedada noocan ah waa mid guud ahaan ku yar dhalinyarada aduunka guudkeeda joogta wakhtigan hadda la joogo, inta la ogyahana waxaa ku tegay ujeedada noocan ah dad faro ku tirisa ah, aan idhaahdo waxaa ku tegay asxaabtii rasuulka csw, waa mid leh hiigsi dheer oo waara, kaas oo ah ka fikirka Aakhiro.

Aynu soo qaadano qaar ka mid ah Asxaabtii rasuulka Csw oo tusaale inoogu filan sida ay maskaxda ugu hayeen Hadaf hiigsasho dheer leh

Cumar Binu-Abdal Casiis:- “Waxaa igu jirta, Naf wax hiigsanaysa, Anigoo yar baan hiigsaday in aan carabiga iyo luuqadda gabayga ku takhasuso waan u dadaala, inyar kadibna gabadh faadumo layidhaah oo khaliifadii muslimiintu dhalay ayaan ku hamiyey, waan guursadday, Haddana Inaan waadi(Badhasaab) kanoqodo madiinadii rasuulka tiina waan gaadhey, Miyaad muslimiinta u talisid ayaan hiigsaddey tiina waan gaadhay”. Wuxuuna halku dhiga ka dhigan jiray “Waar Hooy Aduun La isma siiyo”

Maxamed faatix:- “Maxamed faatix oo madarasad dhigta oo da’a yar waa inan yar wuxuu maqlay macalinkisii oo leh nabi Maxamed baan ka maqlay waxaa la furan doonaa istanbuul, 600 sano kadib ayuu maqlayaa xadiiskan, yarkaas yar waxaa laabtiisa gashay waa aniga ninka furanaya qusdandiiniya, Qiimo badanaa ninka hogaminya ciidanka furandoon,oo qiimo badanaa ciidamada furanayaa, sidii baanu kaga dhabeeyey hamigiisii ”

Maxamed Ibnu Ismaciil (Bukhaari):- “Isagoo 14 jir ah oo deris (Cashar) dhiganaya ayuu maqlay laba sheekh oo culimadiisii kamid ah oo ka cawday axaadiis aad iyo aad ugu dhex qasan axadiista rasuulka(Axaadiis aan saxeex ahayn oo daciif ah), Maalintaas ayuu go’aansadday Bukhaari In uu kala saaro Axadiista”.

Kuwaasi waa tusaalaha dadkii fiicnaa ee nolosha ujeedada ka lahaa, isla markaana ka sal gaadhay ujeedo kasta oo ay qorshaysteen rabi idankii ,hadaba adiga iyo naftaydaba aan su’aal weydiiyee Maxaa sababay in inta badan ujeedooyinka aynu leenahay aanay inoogu suurto gelin?

Lasoco Qaybta 2aad Ee Qormaddan

Wa-bilaahi Tawfiiq

Saxafi /Qoraa Madax banaan.

Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

E-mail: Xamse18@gmail.com

Www.facebook.com/wiyeeer

Www.wiyeeryare.blogspot.com

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here