Wadahadaladdii Somaliland iyo Soomaaliya Oo Baaqday iyo sababta

0
596

Wadahadaladdii Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamulka federaalka ee Soomaaliya oo la filayey in ay mar labaad dib u bilaabmaan ayaan haddana baaqday.

Ilo ku dhow-dhow qorshaha wadahadaladda, oo ay qaabilaso dawladda Turkigu, ayaa sheegay in ay sababta baaqitaanku noqotay markii ay waddamada Ingiriiska, Mareykanka iyo Sweden ay ka xanaaqeen wafdiga ay maamulka federaalka ee Muqdisho uu soo dirtay shirkan. Waftigaas oo ka kooban dhallinyaro aan miisaan ku lahayn arrimaha dibloomasiga iyo siyaadahaba.

Dhinaca Somaliland oo uu wefdigeedu hoggaaminayo, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalimiga, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, “Faratoon”, ayaa iyagu gaadhay dalka Turkiga.

Si kastaba ha noqotee waxay arrintani aad u shaacinasaa in ayna maamulka federaalka ee Muqdisho daa’cad u aheyn in uu wadahadal dhexmaro iyaga iyo Somaliland.

Ururka Qaramada Midoobay ayaa dhawaan u magacaabay wakiil cusub geeska bariga Afrika oo dhan. Wakiilkaa, Parfait Onanga-Anyanga oo u dhashay dalka Gabon ayaa la filayaa in uu dhawaan soo gaadho dalalka geeska bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here