Shirkadda Facebool ayaa shaaca ka qaaday in ay mashquulkii ugu weynaa kala kulmeen muuqaal uu si toos ah usoo dhigay gacan ku dhiiglihii masaajidda ku weeraray dad muslimiin ah oo dalka New Zealand ku sugan.

Facebook ayaa sheegay in 24-kii saac ee ugu horreysay dhacdadani ay bartooda ka tirtireen 1.5 milyan oo muuqaalka weerarka masjidka ah oo la isu gudbiyay, waxaana ay intaasi raaciyeen in 1.2 milyan kale ay ka hor tageen in lasoo dhigo bartooda Facebook.

Brenton Tarrant oo lagu magacaabo gacan ku dhiiglaha ayaa toos ugu gudbinayay weerarkiisa masaajidda barta bulshada ee Facebook.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here