Dawlada Iran oo ka carootay xukun lagu riday muwaadiniin u dhashay iyo safiirkeeda Nairobi oo ay u yeeratay

0
687

iraan ayaa u yeeratay safiirkeedi u fadhiyey Kenya iyada oo jawaab uga dhigeyso go’aanka maxkamada sare ee Kenya ay ku diidday in la sii daayo mawaaddiniinta Iiraan ee Kenya oo ugu xiran iney argagixiso yihiin.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay inuu dalkiisu “ku qanacsaneyn” go’aanka aan caddaaladda ahayn ee ay gaartay maxkamadda sare ee dalka Kenya.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa Jimcihi beddeshay go’aankii maxkamadda hoose ay gaartay ee ahaa in la sii daayo Axmed Maxamed iyo Sayid Mousavi oo 15 sano ay horay maxkamad ugu xukuntay iney argagxiso yihiin.

Labadan qof waxay dowladda Kenya qabatay 2012-ka iyaga oo lagu soo eedeeyey iney diyaarinayeen qarax gaaraya 15 kiilo oo ad u xooggan.

Waxayna shaqsiyaadkasi diideen iney wax lug ah ku lahayn eedda loo soo jeediyey ee ah iney qorsheynayeen iney qaraxyo ka sameeyaan magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here