XOG CULUS-Ciidamada Caarre oo Laga Mamnuucay Magaalada Qardho & Puntland oo Awaamiir Adag Saartay.

0
552
 March 21, 2019 – (Boosaaso Qoryaalenews)-Jabhadda uu hogaamiyo Corneal Siciid Cawil Jaamac (Caarre) oo saldhig ciidan ku leh duleedka magaalada Qardho . ayaa awaamiir culus ka duldhigay ciidankeeda ku sugan xeryahaasi. Corneal Caarre ayaa ciidamadiisa laga mamnoocay inay guud ahaan gudaha u soo galaan magaalada Qardho . si looga hortago falal kasta oo dhanka ammaanka wax u dhimi kara. Xog hoose oo aanu helnay ayaa sheegaysa in maamulka degmada Qardho ay Caarre ka dhaadhiciyeen in ciidankiisu ay ku ekaadaan gudaha saldhigooda aysanna magaalada ku iman karin ciidan ahaan. Ciidamada Jabhadda Caarre ayaa lagu amray in haddii ay rabaan qaad sigaar ama adeegyo kale ay ku dalbadaan gaadiid gaar ah oo aan hubaysnayn, taasi oo ay aad u soo dhoweeyeen shacabka kunool magaalada Qardho. Tallaabadaan ayaa ah mid lagu ilaalinayo ammaanka guud ee magaalada Qardho oo kaliya ciidanka ammaanku ay hubka ku dhex qaadan karaan iyo deegaamada hoosyimaada si aysan jabhaddu falal ammaan xumo u geysan. Jabhadda Caarre ayaa dagaalo kudhufo oo ka dhaqaaq ah ka samaysay gobolka Sanaag gaar ahaan duleedka Ceerigaabo waxaana iminka saaran culeyskii ugu weynaa madaama ciidamadii ugu wadnaa Somaliland soo dhoobtay qardho agteeda waxaana ay ciidamada qaranka Somaliland ka qabsatay dhowr jeer gaadiid dagaal, saanad iyo xitaa masuuliyiin la qabtay oo markii danbe arrimo heshiisyo qabiil lagu sii daayey.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here