GOLEYAASHA DEEGAANKA IYO XUKUUMADDA SOMALILAND MIDKEE FASHILMAY ?

0
524

ayor iyo ku xigeenka uun ma la badalo oo la tijaabiyo qaar kale sida aqoonyahanka rug cadaaga ah xildhibaan Dogox ama xildhibaan Cabaas .

(sacabka haddii aan xeeladi ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa ?!

*********************************

Ilaa maalintii madaxwayne muuse biixi dalka taladiisa qabtay waxaynu maqlayna waxa la kala diraya goleyaasha deegaanka ee dalka , ama ugu yaraan kuwa caasimadda , haddaba wa su,aale yaa guulaystay ?!

Akhriste waan kula qabaa in aanay ahayn goleyaasha la doortay deegaanku qaar u qalma in badan oo ka mid ahi meeqaamkii ay sugeyeen dadweynihii u codeeyey ee safafka dhaadheer iyo milicda u taagnaaa lakin hadana waxa is waydiin mudan : maxa kalifay in waqtigan ay noqoto hadal haynta ugu badan ee bulshada iyo siyaasiyiintaba ?

ma golihii deegaanka ee ugu horeeyey ee muddo dhaafaybaa ? muddo dhaafkoodu wuxu ahaa 2017 markii ay ka dhamaatay muddo xileedkooduye maxaa loo kala diri waayey? Goleyaashii ka horeeyey waxay fadhiyeen toban sanadood ee maxaa iyaga u gaar ah ?guurtida iyo baarlamaanka oo in ka badan inta golaha deegaanka muddo dhaafay miyey guuleysteen iyagu mise way kasii liitaan goleyaasha deegaanka oo waxay noqdeen dhaameel raac aan garanayn ujeedadii loo soo doortay ? maxa hortaagan in iyaga la kala diro ?

Haddaba kala diritaanka goleyaasha deegaaanka ee dalka marka aynaan ka eegin dhinaca sharciyadda maxa ku kalifay madaxwaynaha inuu ku fikiro inuu kala diro goleyaasha deegaanka ee dalka ?

Waxa hadaba ka danbeeya kala dirista goleyaasha deegaanka ama ugu yaraan kuwa caasimadda in madaxwaynuhu ku fikiro :

1- Mayorka caasimadda oo shaqadiisii ku fashilmay , halkii fashilkiisa la caddayn lahaa ayaa loogu xilqarinayaa in la kala diro dhamaan golaha deegaanka , taasina wa abaal celin uu madaxwaynu maayirka uga abaal celinayo ololihii madaxtooyada ee xoolaha umadda sida badheedhka ugu taageeray Madaxwayne MBC .

2- Madaxwanaha ayay isku hayb yihiin mayorka Haragysa sida darteed wuxu doonayaa inuu mayorka u dhiibo mayor kasoo jeeda beelaha kale, lakin ma rabo inuu dhiibo mayor ku yimaadda doorasho oo sida soltelco awood badan ,mana doonayo madaxwaynu soltelco inuu noqdo xildhibaan hoos yimaadda mayorka la doortay , sida awgeed ayuu madaxwaynuhu ugu fikiriyaa in eedda fashilaada la saaro goloha deegaanka oo dhan ka dibna la kala diro .

3- Golaha deegaanka ee hargaysa waxa lagaga badan yahay tirada xildhibaanada beesha madaxwaynaha , beeshiisa oo degta magaalada hargaysa oo kaliya magaalooyinka dalka isla markaana lagaga tiro badanyahay xildhibaanada ay ku leeyihiin magaalada hargaysa , sidaas awgeedna waa in la kala diraa xildhibaanada Caasimadda .

4- Mayirada iyo xildhibaanada qaarkood oo ay fikir ahaan iska soo horjeedaan madaxwaynaha iskuna maandhaafsan yihiin sida loo qaybinayo khayraadka dalka , sida mayorka burco , sidaas daraadeed waa in kala diraa golaha deegaanka si loo keeno m,ayor madaxwaynaha oo kaliya ka amar qaata oo aan haba yaraatee wax hadal kasso celin fikirka madaxwaynaha .

Haddaba akhriste waxa marag ma doon ah sidan hore u xusay in xildhibaano badani aanay u qalmin lakin kala diristu ma xalbaa ?

Dalkoo dhan madax iyo mijiba musuq maasuq waa ku baahay lakin ma jiro wax gaar ah oo golaha deeganku galabsadeen .

Haddii golaha deegaanku yaha 25 xubnood ee caasimadda waxa masuuliyadda kowaad saarantahay mayorka iyo ku xigeenka , haddii ay fashilmeen maxay galabsadeen 23 xubnood ee kale , maxa labadooda uun meesha loo dhaafin waayay oo mayor cusub iyo ku xigeen cusub loo dooran waayey ? waxa laga yaaba inaad is waydiiso 23 xubnood ee kale haddii aanay shuraako kula ahayn fashilaadda may doortaan mayor kale oo ay kuwan xilka ka qaadaan ?

Waa su,aal macquul ah lakin waxa is waydiin mudan goleyaasha deegaanku ma u madax banaanyihiin go,aamadooda iyo shirarkooda ? mayorada inta badani waxay kasoo jeedaan xisbil xaakimka kulmiye iyagaa badhi taarayey si ay u qabsadaan kursiga mayornimo , intaas oo goor ayeynu maqallay in shir ay qabteen xildhibaano kasoo horjeeda mayorka oo xukuumaddu garabka saarayso mayorka, haddaba maxaa keenay in waqtigan laynagu mashquuliyey kala diris iyo fashilaad iyo ……….

Sacabka haddii aan xeeladi ku jirirn maxaa habeenkii loo tumaa ?!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here