NORWAY: Booliska Oslo oo baadi-goobaya haweeney weerartay hooyo soomaaliyeed oo uur leh

0
491

Booliska caasimadda Oslo ayaa baadi-goobaya haweeney weerar af iyo adinba u geysatay hooyo soomaaliyeed oo uur leh xilli ay mareyso wado ku taal xaafadda Grønland ee magaalada Oslo.

Hooyadan soomaaliyeed ayaa weerarka lagu qaaday subaxnimo ay taariikhdu ku beegneyd 27 bisha Febraayo ee sannadkan xilli ay xannaanada geysay wiil yar oo ay dhashay islamarkaana ay ku socotay goob ay wax ka barato.

Dhacdadan ayaa dhaawac uu kasoo gaaray hooyadan da`da yar ee soomaaliyeed, waxaana xilli ay ka carareysay haweeneyda oo u muuqatay mid cunsuriyad ah ay ku dhacday dhulka islamarkaana caloosha wax ka gaareen.

Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa waddooyinka Lakkegata iyo Breigata ee xaafadda Grønland, waxaana ay aheyd saacaddu 09:40.

Haweeneyda cunsuriyadda ah ee weerarka geysatay ayaa ceyrsatay hooyada soomaalida, waxaana ay ku qeylineysa hadallo cunsuriyadi ku dheehan tahay oo ay ka mid ahaayeen in ay ku laabayo halka ay ka timid ee ay asal ahaan kasoo jeedo.

Afhayeenad u hadashay booliska Oslo oo lagu magacaabo Monica Lillebakken ayaa sheegtay in hooyada soomaaliyeed ay dhulka ku dhacday mar ay shan mitir camal ay ka carartay, halkaasna uu dhaawac kaso gaaray oo ay isbitaal la seexatay mudo isbuuc ah.

Monica Lillebakken ayaa warkeeda intaas raacisay in ay ka codsanayso bulshada ciddii arkeysay ama goobta ku sugneyd xilliga uu falkaasi dhacayay ay iyaga lasoo xiriiraan.

Booliska ayaa sheegay in ay ahmiyad weyn siinayaan ka hortagga falalka cunsuriyadda ku dheehan tahay ee bulshada ka dhex aloolsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here