War Deg Dega,-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa dalbaday kulan uu la qaato qaar ka mid ah waxgaradka beelaha Arab.

0
586

 

Sida ay sheegeen warar ay Hadhwanaagnews heshay, madaxweyne Muuse Biixi ayaa codsaday kulan lagaga hadlo arinta ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo uu la qaato haldoorka ka soo jeeda beelahaasi.

Kulanka oo wararku sheegeen inuu qorshaysnaa maanta ayaa dib u dhacay ka dib markii uu madaxweyne Muuse Biixi xubno haldoor ah oo ka soo jeeda beelaha arab ku soo wargeliyey in dib loogu dhigo kulankaasi.

Dhinaca kale wararka ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Muuse Biixi uu ganafka ku dhuftay in wax kulan ahi uu dhexmaro salaadiinta beelaha arab ee shalay ka hadlay qorshe ay sheegeen in xukuumada madaxweyne Muuse Biixi doonayso inay ganacsade Axmed Cismaan Geelle ugu gacan galiso dawlada Djibouti, isaga oo aan soo bandhigin sababaha ku dhaliyey inaanay is arag madax dhaqameedka beelahaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daray inaanu si rasmi ah u cayimin wakhtiga uu ugu tala galay inuu la kulmo qaar ka mid ah waxgaradka beelaha Arab.

Xubnaha haldoorka ah ee ay qorshaysnayd in madaxweyne Muuse Biixi ay si toos ah u kulmaan ayey wararku xaqiijiyeen inay ka mid ahaayeen Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyey ee somaliland Xasan Ciise Jaamac, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Cabdilaahi Xuseen Iimaan Darawal, Ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo Ganacsade Ismaaciil Anchor.

Kulankan ayaa haddii uu qabsoomo waxa uu noqon doonaa kii ugu horeeyey ee madaxweyne Muuse Biixi la yeesho wax garad ka soo jeeda beelaha Arab tan iyo markii uu qabtay xilka madaxtinimada somaliland.

Xigasho .Hadhwanaagnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here