Waftigii midowga Yurub ka socday oo dalka Somaliland ka laabtay iyaga oo niyad jabsan iyo goaanka qaten

0
780

Safiiradii dalalka reer Yurub ee ka koobnaa 7 safiir oo ka kala socday dalalka Yurub iyo ururka Midowga Yurub, ayaa shalay Hargeysa ka dhoofay iyagoo ka niyad jabsan heshiis la’aanta xisbiyada saddexda ah ee Somaliland ee doorashada golaha wakiilada.

Weftigan ayaa waxay la kulmeen Madaxweyne Biixi, madaxda xisbiyada iyo guddiga doorashooyinka, waxaanay kala hadleen sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha hortaagan doorashada golaha wakiilada.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in weftiga oo habeen hore la shiray saddexda xisbi qaran ay ka dalbadeen inay heshiis iyo isfaham ka gaadhaan caqabadaha hortaagan doorashada golaha wakiilada ka hor inta aanay shalay ka dhoofin magaalada Hargeysa, waxaanay xisbiyada Waddani, KULMIYE iyo UCID bilaabeen wada hadalo ujeedadoodu ahayd in la isu soo dhawaado si ay natiijo togan shalay u gaadhsiiyeen weftiga ka hor inta aanay dhoofin, waxaanay shalay subaxnimadii kulankoodii u dambeeyay ku qabsadeen xarunta xisbiga UCID.

Hase yeeshee saddexda xisbi oo aan kulamadaas ku gaadhin wax isfaham ah ayaa shalay duhur ku dhawaadkii waxay weftigii reer Yurub ku wargeliyeen inaanu jirin wax isfaham iyo heshiis ah oo ay saddexda xisbi gaadheen, laakiin ay isku noqon doonaan oo ay wada hadalo u bilaabmi doonaan.

Saddexda xisbi, ayaa isku mari waayay guddiga doorashada golaha wakiilada ee wakhtigan iyo weliba muuqaalka guddiga dambe.

Diblomaasiyiinta reer Yurub ayaa la sheegay inay iyagoo la yaaban caqabadahan ay ka gudbi kari la’yihiin saddexda xisbi qaran ay ka dhoofeen magaalada Hargeysa, waxaana kulamadaas qaarkood wufuudani si diblomaasiyadeed ugu sheegeen inay adkaan doonto in Somaliland la sii caawiyo maadaama oo ay golihii wakiilada, goleyaashii deegaanka iyo weliba golihii guurtidu ku muddo dhaafeen kuraasida islamarkaana ay adagtahay in doorashadooda la qabto.

Mid ka mid ah dadka la socda siyaasadda dalalka deeq bixiyayaasha ah ee taageera doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda Somaliland, ayaa aaminsan inay jirto farriin toos ah ama aan toos ahayn oo ay weftigani soo gaadhsiiyeen siyaasiyiinta Somaliland, “Siyaasiyiinteena ayay u taalaa inay fahmaan ama ay fahmi waayaan laakiin weftiga miisaankan lihi Hargeysa si fudud umay iman, waxaanay madaxdeena siyaasadda soo gaadhsiiyeen farriin culus oo weliba laga yaabo inay tahay markii u dambaysay ‘digniin.”

Sidaas waxa Geeska Afrika u sheegay khabiir la socda xidhiidhka caalamka iyo siyaasadda iyo qorsheyaasha dalalka reer galbeedka ee ku waajahan Somaliland.

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here