Iyamaa mudnaanta leh Baahiyaha Biyaha Iyo Caafimaadka iyo madaxtooyo cusub

0
434

Caqliga fayoobi ma idin siinayaa baahiyihiii asaaasiga ahaa ee bulshada sida biyaha caafimaadka wax barashada oo baahi wayn loo qabo in layidhaahdo waxa ladhisayaa madaxtooyo cusub oo ay ku baxayso malaayiin dolar ayaa dhul afar kilo mitir oo isku wareega laga dhisayaa ?

Waxaynu wada ognahay biyo la.aanta ka taagan caasimadii wadanka looga talinayay iyo baahida wayn ee looqabo sidii loo heli lahaa biyo wada gaadha dhamaan caasimada somaliland
waxaynu kaloo ognahay wado xumada kamuuqata jidadka magaaloyinka waawayn ..
Waxaynu kaloo ognahay dooxyada waaawayn ee markuu roobku yimaado qaada dad iyo duunyada baahida looqabo in biriijyo laga sameeyo
waxaynu kaloo ognahay cisbitaalada waawayn ee goboladu siday uhoosayso adeegooda caafimaaad ..
waxaynu kaloo ognahay i.w.m

Hadaba intaasoo baahiyoood iyo qaar kaloo badan iyadoo wadanka ay ka taagan yihiin
hadana maxaa keenay amase waamaxay baahida keentay
in madaxtooyo cusub oo malaayiin dolar ku baxayaan madaxwaynuhu yidhaahdo waan dhisayaaa

Miyaanay ahayn caqli xumo iyo danta baahiyaha shacabka oo aan dan kalahay xukuumada hogaanka uhaysa wadanka

Jawaabtaasi waxay utaalaa shicib waynaha Somaliland

Qalinkii Ahmed lababaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here