Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ee Xisbiga WADDANI oo ka hadlay go’aankii Baarlamaanka Somaliland

0
391

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane, Xuseen Aadan Cadde ayaa markii ugu horraysay ka hadlay Xukunka deg-dega ah ee Madaxweynaha Somaliland ku soo rogay gobolka Sanaag.

Guddoomiye Xuseen Aadan Cadde waxa uu sidoo kale uu sheegay innuu ayidsan yahay Qoddobadii uu ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, gaar ahaan qoddobadii khuseeyay arrimaha doorashooyinka Somaliland, waxaannu shacabka iyo taageerayaasha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uu ugu baaqay inaanay aqbalin doorasho laba Xisbi wataan, waxaannu bulshadda reer Somaliland u soo jeeddiyay inay guntaddaan hadalladii uu jeeddiyay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Xisbiga WADDANI waxa uu bogaadiyay go’aankii ay Baarlamaanka Somaliland isku hor taageen soo jeeddintii Madaxweynaha Somaliland ee nuxurkeeddu ahaa in Xukun deg-deg ah lagu soo rogo gobolka Sanaag, ahaan degmooyinka Ceel afwayn, Gar’adag iyo Ceerigaabo, waxaannu sheegay in Halgankii hubaysnaa ee SNM uu ka dhashay Cabudhintii, Caddaaladii, Xukunkii deg-dega ahaa, kuwaasoo noqday waxyaabihii soo dedejiyay Halgankii Naf iyo Maalba loo huray, waxaannu ka digay inaan dib loo soo celin wax u eg waxyaabihii laga dagaalamay ee Maallaayiinta Nafood loo huray, isagoo Xukuumadda talada haysa u soo jeeddiyay inay ilaaliso Xuquuqda iyo Xoriyaadka Ummadda Somaliland, isla markaanna waxa uu hoosta ka xariiqay inaan maanta loo baahnayn Xukun deg-deg ah, laakiin Xukuumadda looga fadhiyo inay Sharciga horkeento shaqsiyaadkii ka danbeeyay Dilkii Saraakiisha oo Caddaalada la mariyo.

Ugu danbayntii guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xuseen Aadan Cadde waxa Tacsi u diray Ehellada, Ciiddammada qaranka iyo Shacabka Somaliland, isagoo ka Xun dilkii loo gaystay Saraakiishii sida xaqdaradda ah loo dilay, iyagoo gudannaaya Waajibaadkii qaran ee saarnaa, waxaannu shacabka Somaliland meelkasta oo joogaanba ugu baaqay inay Midnimadooda iyo wada-jirkoodda ilaashaddaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here