Gudoomiye Golaha Wakiilada Somaliland Baashe ( Speaker Waayo arragnimo La,aan)

0
383

Dhamaan waan salaamaya bulshadda Somaliland iyo Somalida kale

meelkasta oo ay joogaan  ee xidhiidhka la leh baraha warbaahinta.
Intaa dabadeed waxaan  la socoteen in dhawaan lagu dilay labo sarkaal  oo kala tirsanaa Ciidamada Asluubta iyo Booliiska  kuwaas oo ay dileen dabley hubaysani falkaasi dabadeedna  ay baxsadeen.
Wuxuu madaxweynaha Somaliland uu soo saarey  xukun deg deg sadex degmo oo kuwaas oo kala ahaa Ceerigaabo, Ceelafweyn iyo Garadag ,wuxuun madaxweynuhu soo mariyey  labada gole si ay u ansixiyaan  go,aankaasi. Ka dib sida  aad lawada socotaan waxaa laysugu yeedhay fadhi aan caadi aheyn labada gole.
Haddaba  maxaa dhacey  markii uu shirkaa furey gudoomye Baashe ee uu sheegay  tirada inta joogta fadhiga  107 una sheegey sababta xildhibaanad loogu yeedhay  loona akhriyey warqadii  uu Madaxweynuhu soo qoray waa  Muuse Biixiye-
-Baashe wuxuu yidhi  cod ayaa lagalinayaa  inta ogol iyo inta diida  –
-Baashe muu  odhan waa laga doodayaa xeer madaxweyne uu soo gudbiyey.

-Gudoomiyuhu markii ay gacan taageen intii  ogoleyd  xukunka deg deg   38 xildhibaaan,
Baashe waxay ahayd inuu sii wado xildhibaanad diidan iyo kuwa ka aamusay intaa midna muu sameyn ee golihii ayuu xidhay taas oo ah qerul sharci.
  • Waxaa aad iyo aad ula yaabay sida uu ula hadlaayey xildhibaanada qaarkood  WAAR AAMUS  WAR AAMUS maaha ery nin Shirgudoomiye ah uu sidaa ula dhaqmo meel ay isku yimaadeen labo aqal  oo sharci dajineen-
  • Gudoomiuye Baashe ma sidan ayuu ku maamulaa golaha wakiiladda  waxay ku tahay golaha fadeexad haddii shir gudoonku sidan  golaha uu u hogaamiyo waxaana la ceynayaa aqliga xildhibaanadda .
Waxaan kula talinayaa Gudoomiyaha inuu marka hore  xaal iyo raali galin ka bixiyo falalkaasi uu kula gacay goloyaashii sharci dejinta iyo ummada Soomalinad. Miyaanu ka faa,iideysan  Macalinkiisii Abdirahmaan  Ciro  habkii uu u maamulaayey  golaha  mar  haddii muddo dhawr sannadood uu ahaa gudoomiiye  ku xigeen Mudane gudoomiye waxaad dib u akhridaa  shaqadda shirgudoonka waxay tahay sida golaha loo agaasimo . Shir gudoomadu iyagu cod malaha wixii ay isku raacaan golahaasi ayuu  Dubaha  ugu dhuftaa  iyo hadalada oo uu u qaybiyo.
Ahmed  Daacad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here