Turkiga Oo Joojiyay Xaflad Ay Qab Sanayeen Jaaliyada Somaliland Ee Dalkaasi Ku Nool.

0
445

dawladda Turkiga ayaa amar qoraal ah oo ay soo saartay ku mamnuucday xus ay jaaliyadda reer Somalilandee waddankaasi magaalada ankara ugu samayn lahaayeen 28 guuradii gooni isu taagga Jsl 18 MAY, sida ay shabakada uxaqiijiyaan qaar kamid ah xubnihii diyaarinayay xaflada 18MAY.

Xuskan oo jaaliyadaha Somaliland ka sameeyaan caalamka oo dhan meelaha ay joogaan ayaa noqonaysa marki u horeysay ee dawladda Turkey ga oo ka mida ahayd dalalka sannad walba laga xuso maalintan ay joojiyaan, waxaana amarka dawladda turkey ku joojisay xuskan lasheegay in dabada ay ka riixayso safaaradda Somalia ku leedahay ankara, dhacdadan lagu mamnuucay xuska 18 may inay jaaliyadda reer Somaliland oo isugu jirtay arday ganacsato iyo qoysas muddo badan waddankaas deggenaa ay qabsan kari waayaan ayaa noqonaysa mid fashil ku ah xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi, taaso muujinaysa tamar darrada siyaasadeed ee arrimaha debedda, waxana tallaabadan ay ku wada socdaan dawladaha turkey iyo somalia noqonaysa mid laf jab ku ah qaranimada Somaliland iyo xidhiidhadi saaxiibtinimo ee ka dhexeeyey dalalka caalamka ee Turkey gu ka mid yahay iyo Somaliland, waxana la filayaa jawaabta ay xukuumadda Somaliland ka bixiso tallaabadan ay qaaday dawladda turkey gu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here