Xildhibaanada Golaha Wakiilada Waxa La Gudboon Sidda Ugu Dhakhsaha badan Inay Golaha Wakiilada Horkeenaan Dood

0
440

… Xilka Gudoomiy-Nimo Looga Qaado Baashe Mohamed Faraax?

krada iyo Aragtida Muwaadinka ee Xorta ah ”

 

Xildhibaanada Golaha Wakiilada waxa la gudboon sidda ugu dhakhsaha badan inay Golaha Wakiilada horkeenaan Dood Xilka Gudoomiy-nimo looga qaado Baashe Mohamed Faraax?

.

Haddii ay sidda ku dhaqaaqan Xildhibaan Golaha Wakiilada Wakhtig yare e badeladooda ka hadhay ha , la yimaadaan fir-firconaan ka wanaagsan oo ka qurux badan tii ehel ka yihiin habac-sanaantii iyo Xilkisnimo la,aantii 15 sandood oo Xildhibaan ka soo xaadiraya golah wakiilada inta u raacdo , bilaa damiir iyo bila qawl aan howlah shaqadoodu tahay u gudan sidda ay tahay .

 

.

Waxay ahayd markii ugu horeysay ee 15 sandood oo Xildhibaanad Golaha Wakiilada iyo kuwa guurtidu si wada jir ah u diidan dood amma wareego Madaxwene oo ku waajib ah golayaasha ansixiyaan . Run ahaanti diid mada ay Khamistii labbada Golaha sameeyeen ee isku hortaageen wareegta Madaxweynah waxa aad iyo aad ugu diirsaday Ummada in kasto ay jirto ra,yi odhannaya waxa aanu madaxweynuhu wareegtadiisa ku lifaaqin milxintii iyo dhaameeli loo daadin jiray Xildhibaanad sida soo jireenka hayd , hasa yeeshe yeelkeed wax kasto ahaan jirtay . Mar kale dhinac Madaxdweynuhu waa ku mahad san yahay inaan milxiska iyo dhaameel daadiskii Xukumadihi hore inuu joojiyey oo sidda saliimka ah ee sharciga u horgeynaayo Wareegtooyinka wax kasta oo ay salka ku hayaan Golayaash shraci-dejinta oo xaq u leh inay ku Xakameeyan Xumadah inay suure-gal tahay wadad iyo hababka ay u wajaha-yaan shaqadooda fulinta ee Qaranka ugu igman yihiin .

iddo kale Xildhibaanada Golaha Wakiilada waa ku waajib inta yar ee u hadhay inay Xukumada Muuse si wanaagsan u biyo-dhiijiyaan iyago soo nooleeyaan sharciga iyo Shuruucda Golaha Wakiilada ay u horseeden inay noqdaan ma dheleys amma kuwo aaney ku shaqayn oo waxba qababan .

.

Siddo kale waxa la eegan karro ma ah sharci-darradii shalay golaha uu kula kacay Baashe mohamed Dhibaato may ahaayeen haddii ay noqon lahayd Golaha Wakiilada oo kaliya ee waxay aheyd kulan labbada gole ba u dhan yihii markaan laggu laffo-gurayey Arinti ahayd xalada Deg-dega ah ee ee uu Madaxwenuhu wareegta ku soo saaray in Gobolka Sanaag degmooyimkiisa waa weyn laggu dabro. Waxa la gudboona Baashe Mohamed faraax inuu howl gallo si ka wanagsan oo howl karnimo iyo hogaan ku jirro balse baal mar si badheedh ah oo ay ka muuqato Aqoon-la,aan iyo Waayo-arag la,aan.

.

Qof ahaan aad iyo aad ayey ii damaqday arinka Baashe Mohamed Faraax , ku dhaqaaqay . Halkaan uu ku dayacay Kaalinti muhiimka aheyd ee uu ugu jiro Qaranka .Waxa ka sii xumaanaya kanna sii liidanaya hadii ay sii eegtaan oo Xildhibaan Golaha Wakiilada unna sii daayaan inuu Aqoon-darrad iyo Waayo-aragga la,aanta uu cadeeyey Ummadda Iyo Qaranka ba.

Rag ka soo bixi karra oo ka Aqoon iyo waayo-aragnimo wacani waa ku jiraan Golaha Wakiilada waa in kuwaa la siiya fursad ay inta Golaha Hogaank kiisa ku gaadhsiyaan inta ka hadhay Dooardhad soo socota ee la filaayo inay Dalka ka hirgasho haddii rabi idmo.

.

abokorm@hotmail.co.uk

Abokor I Mohamud.

Waa Billahi Towfiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here