Qisada igu xanuunka badneed bisha ramadan

0
421

Waxaa maanta shaqo afurin ah kawaday magalada qaybo kamid ah oo aan ugu kuur galayay dadka danyarta ah ee aan awoodi karin afurka

Waxaa la kulmay hooyo soomaliyeed oo aad u daalan meelna iska fadhiso oo dambiil agtaalo waaku leexday oo waa ag fariistay waxaana waydiiyay noolasheeda & xalada ay ku sugan tahay iyadoo ay ahayd waqti maanta aad u kulul oo uu qof weyn awoodi karin socod & wax lamid ah

Sheekadu waxay iga bilawday hooyo waa markii igu horeysay oo noolashayda qof dhalin yaro ah igu soo leexdo misna wax iga waydiiyo xaladayda waxay tani macnaheedu tahay in alle iga kaa soo diray oo aan ahayn dayac😭😭

Waa soomanahay waxaa ahay wiil laay waxaa hayaa ilmo yar oo aan ayeeyo u ahay wax aan u awoodi karo majirto maalin walba socod ayaa nafta iga qaaday xalay afur ahaan waxaa u cunay labo xabo bur ah & seddex xaboo timir ah😭

Noolasha ciriiri ayeey nagu noqotay kaba sii daran saakay ilaa hadda socod ayaa ku jiraa ma helin xitaa 10 kun shilling somali wax kaleba iska daay hadana meeshaan nafta ayaa i fariisisay quus ayaan taagnaa oo waa murugsanahay dhanka kale waaka daalanahay imtixaan ayaan iskaga jirnaa wiilkeygiyoow

Waxaan ku dhahay hooyo ha quusan aniga ayaa garab kaaga taagan & shacabka soomaliyeed oo dhan maantana ilaahey ayaa iga kaa waafajiyay ee hooyo kawaran wax yar oo aan waxba ahayn hadaan ku siiyo kawrn dhabtii si qiiro & dareen bay ii tiri waa farxi lahaa waxaana ku wareejiyay lacag aan sidaas usii badneed oo ay maalmihii dambe isoo gaarsiiyeen walalo ku kala nool magalooyinka dalkeena soomaliya

Dhabtii markaa gacanta ka saaray lacagta hooyada waa ay ooysay weliba said😭😢 waxayna igu tiri ilmadaan waa mid farxad ma ahan mid murug

Dhabtii waaka daba ooyay waana la ilmeeyay xaqiiqdii wax badan maba rabin inaan ka tago waayo aad bay ii saameeysay xaladeeda nasiib daro malaheyn tell aan kala sii xiriiro anigoo murugsan ayaan ka tagay

Hooyadaan waxay u duceysay maanta umada soomaliyeed si qaas ahna dadka ka qayb qaatay taakulenta nafteeda & weliba daryeelida maanta waxayna tiri waa liibaanteen guul baan idinku ogahay

Waa qiso dhabtii xanuun badan dareen badan xambaarsan oo kugu dhalinayso hadaa madax ahaan lahayd oo hadana aan ka warqabin dadkaan maxaa aqiiro ku yaali doono lkn damiirkeena weli waa nool yahay inta dhalin yarada soomaliyeed joogto waxba lama arki doono oo dhib & rafaad ah insha allah

Fadlan qisadaan #Share garee si ka warqabka dadka danyarta u bato una xoogaysto waqti walba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here