Wasirki hore Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ka hadlay Geerida Marxuum Xaaji Cabdi Waraabe.

0
492

Hogaamiye Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum Xaaji Cabdikariim Waraabe

Friday 10th May 2019
Hogaamiye Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum Xaaji Cabdikariim Waraabe
Geeridu waa xaq, cidina gafi mayso, Waxaan dhamaan qaranka Somaliland debad iyo gudo, madax iyo minjo, culimo iyo caamo, lab iyo dhedig, qoys iyo qaraabo ,mudanayaal iyo marwooyin ka tacsiyeynayaa geeridii xaqa ahayd ee ku timi nabadoonkoodii weynaa Xaaji/Xildhibaan Cabdi kariim Xuseen Yuusuf( Cabdi waraabe) ,oo maanta oo jimce ah ku geeriyooday Hargeisa.

Waxaan qirayaa ilaahay hortii in xaaji Cabdi soddonkii sanadood ee u danbeeyey, hadda waa intaan aqoonta tooska ah u yeeshay,islamarkaana uu ka mid noqday macalimiintii aan ka bartay qaabka loo xaliyo khilaafyada dhaqanka, ruux gufeyn jireyn meel kasta oo ay gabadano geyigeena ka hayso, waxaan qirayaa in neecawda iyo nimcada nabada ee aynu maanta ku nafaxaadayno, Alle qadarkiisa ka sakow sabab ay u ahaayeen xaajiga iyo saaxiibadiisii fara ku tiriska ahaa, oo badankoodu godka ka horgalay alle ha u naxariisto dhamaantood.

Xaaji Cabdi wuxuu ahaa qof daahiyad ah oo dun wanaagsan waxa uu caan ku ahaa nabad jacayl, dal jacayl, diin jacayl, cadaalad jacayl , run jacayl,dad jacayl, dawlad jacayl,dan guud jacayl iyo dad ururin.

  • Ugu danbayn dhaqanka iyo sooyaalka taariikheed ee xaajigu wuxuu inoogu filan yahay casharo iyo cibro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here