Xaaladda Ka Soo Cusboonatay Maraykanka Iyo Iran Waa Dagaal Ma Waydo W/Q. Rashiid Odowaa

0
533

Maraykanka ayaa ciidamo ku soo daabulaya Gacanka HORMUZ loo yaqaanno maraakiibta diyaaradaha xanbara iyo

Diyaaradaha sida xoogga leh bambooyinka u tuura ee loo yaqaan F-15,F-35 iyo B – 52 iyo gantaalaha difaaca ee “Patriotic” loo yaqaan ayaa lagu arkayay iyadoo maraykanku soo dhoobayo aaggaas,isla markaana Diyaaraduhu dul haadayaan oo kor meerayaan Gacanka Persia,dadka qaarkood waxay sheegayaan inay diradahani sidaan hubka wax gumaada,Iran nafteeda ayaa heegankii u sarreeyay gashay waxayna ku hanjabtay inay maraakiibta naftooda weerari doonto haddii maraykanku isku dayo inuu weerar soo qaado,iyadoo Iran ka cabsi qabta inuu maraykanku doonayo inuu beegsado meelaha warshadaha nuclearka ay iran ku beerto.

 

Arrintani waxay ka sii dartay markii maraykanku cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogay Iran,birta,aluminumka,Copperka(naxaasta),iyo birta steelka loo yaqaan oo laf dhabar u ah Iran inaan loo iibgayn Iran,halka ay iran u tahay waxa ay warshadeheeduba ku shaqeeyaan alaabtani.

Iran waxay kaga jawaabtay inay ka baxayso heshiiskii “Nuclear deal” ee ay ka qayb ahayd heshiiskaas waxa wada galay Iran oo dhinac ah iyo quwadaha shanta ah ee Maraykanka,Ingriiska,fransiiska,Ruushka iyo Shiinaha,Sidaas waxa ka dhawajiyay madaxweynaha Iran Hassan Rohaani iyo wasiirka arrimaha Dibadda.Javad sarif.

Waxad mooddaa in maraykanku waligiiba Ulo booca ugu tukubayo Iran,waxanu Iran ku eedeyay mar haddii ay heshiiskii Nuclearka ka baxayso inay rabto inay aduunka Iridaha u laabto,sidas waxa yidhi Ergeyga Maraykanka u qaabilsan Iran “Brian hook”wuxuu intaas raaciyay waanu ku adkaynaynaa Cunaqabataynta illa ay Iran beddelayso Habdhaqankeeda.

Iran waxay ku hanjabtay inay muddo 60 casho ah ku nafaqayn doonto Nuclear keeda haddii aanay dowladaha kale ee heshiiskan qaybta ka ahaa,aanay ka qaban garadarrada iyo daan daansiga maraykanku ku wado Iran.

Hase ahaatee dowladaha kale ayaan maraykanka kula socon weerar ama dagaal uu maraykau ku qaado Iran,waxayna ku adkaysanayaan in dhowro heshiiskii hore loo galay ee “Nuclear Deal 2015”.

Waxa iiraan lagu eedaynayan inay beegsanayso maraakiibta Saliidda Ceydhin qaada ee ka gudbaya Marinka Hormuz iyadoo hadda la sheegayo,inay afar markab ay la beegsatay waxyaabo hub ah oo aan la aqoonsan waxay yihiin afartan markab oo laba Saudi Arabia ledahay,midna Norway halka ka kalena ay leedahay UAE meel u dhow dekedda Fujaira,in kastoo aan wali la caddayn dhaawac soo gaadhay marakiibta.

Gacanka loo yaqaan Hormuz ayaa ah marinka ugu waynee shidaalka adduunku ka gudbo,waana meel istrategy ah,balse waxay dhinaca ku haysaa Iran,taas oo marka la eego xaaladda kacsan ee ka dhaxaysa Iran iyo Maraykanka ay halis ku tahay in shidaalka adduunka soo foodsaarto halis cudubi.

Si kastaba ha ahaatee waxay dadka Siyaasadda Oddorosaa,sheegayaan ama Saadalinayaan inay tahay Dagaal ma waydo,oo Maraykanku rabo inuu dagaal ku qaado Iran,ma sahlanaan doonto dagaal Iran lagu qaado waayo Iraq aad iyo aad ayay uga dhul wayntahay Iran,waxa kaloo iiran ku badan dhul buuraley ah oo ku adkaan doonta inuu maraykanku Ciyaar ku galo,hase ahaate waxa laga baqayaa inuu Duqayn Cirka ah la beegsado warshadaha Nuclearka ee Iran,dhinaca kale Raisal wasaraha Yuhuudda Benjamin Netenyahu ayaa dalkiisa uga digay Suurto galnimada in Jamhuriyadda Islamiga Iran ay Gantaalo ku soo Harqiso Israel haddii xaaladdu sii kululaato.

Waxa kaloo la sheegayaa in qiimaha shidaalka sare u kacay (1.5%) xaaladdan soo Cusbonatay darteed.Illaa imika ma jirto dadaal diplomasiyaded oo ka dhex shaqaynaysa labada dhinac balse aynu dhowrno xaaladda ayaamaha soo socda siday isu bedesho.

Rashiid Odowaa

Khaddarsalaan@gmail.com

063-4101213

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here