Ex Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Shacabka Reer Somaliland Ugu Hambayeeyay Xuska Maalinta Qaran Ee 18 May Oo Maalmo Yari Ka Hadheen

0
496

18 May waa maalin qaran oo dariiq dheer loo soo mary mana jirto haba-yaraatee cid way-dayn kartaa waxaanan Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan aan ugu hambalyaynayaa dabaal-dagga munaasibadda qaranimadda jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan leeyahay geesiyada nool ee usoo halgamay dalkan, tacabkeenii wuu midho dhalay oo waxaynu dhalinay gobonimo iyo qaran madax banaan, talladeenii waynu meelmarinay oo waxaynu dhisanay dawladnimo, himiladeenii waynu xaqiijinay oo waxay dhidibada u taagnay bulsho nabdoon, leh sharciyad iyo qaanuun lagu hago iyo haykal maamul oo aynu ku kala danbayno,duniduna inagu ixtiraamto.

Hogaamiyayaasha siyaasada ee Somaaliya waxaan usoo jeedinayaa inay iska ilaawaan rajo midnimo danbe, waxaan ugu baaqaynaa inay shacbigooda u tudhaan oo danta bulshadooda mudnaanta siiyaan, nabad u raadiyaan qiimo kasta oo ay ku tagto, isuna tanaasulaan, wixii dhib ahna dhexdooda ka daayaan.

Ramadaan Mubaark..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here