Cali khalif Galayr somaliland suunufti burburka soomaaliya iga soo uraya

0
498

 

Dr. Cali Khaliif Galeydh, ayaa ka hadlay cabudhinta ay shacabka ku hayso Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi.
Galeydh ayaa waxa uu sheegay haddii ay badato maquuninta shacabku in aan lays dhageysan doonin, isagoona ka dhawaajiyey haddii Dastuurka lagu dhaqmi-waayo inay Somaliland u horseedi doonto dhibaato burbur.
Dr. Cali Khaliif Galeydh. ayaa qoraal uu arrimahaasi kaga hadlayo waxa uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhignaa sidan:
“Somaliland sunuuftii ama Urtii ay ku burburtay koonfur ayaa iga soo uraysa mar hadii cabudhinta shacabka ay badato lays dhagaysan waayo Dastuurkana lagu dhaqmiwaayo Waa Dhibaato bulshada burbur u horseeda
Somaliland waxaan ku arkay Siyaasi aan waligii School dhigan Oo hadana ay u dheertahay jahli iyo kicin dadweyne ama qabiil Taas oo horseeday in ay shacabkii ku jahwareeran yaa saxsan yaa khaldan
Fariintaydu waxa weye Dastuurka Dalka u yaala hala ixtiraamo hana lagu dhaqmo
Aniga iyo saaxiibkay Ahmed ismail waxyaabo badan oo aanu qiimayn ku wadnay dhawaan ayaan soo bandhigi doonaa inshallaah”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here