Wararka laga helaayo Nairobi, ayaa sheegaaya in safiirada dalalka Somaliland ka taageera geedi socodka doorashooyinka iyo demoqraadiya, ay si cad ugu soo bandhigeen wefdiga ka socda xukuumadda iyo xisbiyada KULMIYE iyo UCID in aanay wax gacan ah ka geysanayn doorasho aanay u dhamayn axsaabta dalka.

Safiiradu waxa ay walaac ka muujiyeen ka qayb qaadashada doorashooyin dalka u horseedi kara nabadgelyodaro.
Sidoo kale waxa ay u bandhigeen wefdiga ka socday labadaa xisbi in loo baahan yahay in dhamaan dhinacyada ay khuseyso doorashadu ay ka heshiiyaan arrimaha horyaala ee caqabadaha ku ah in doorashadu ay mudadeeda ku qabsoonto.

Xubnaha wefdiga ee labada xisbi, ayaa dhinacooda ku dooday inay diyaar u yihiin qabashada doorashooyinka Wakiilada iyo golayaasha deegaanka, islamarkaasina uu xisbul xaakimku la yimid wax alle iyo wixii tanaasulaad ah ee ay xisbiyada mucaaridku dalbadeen, balse uu xisbiga weyn ee WADANI kaga baxay inuu heshiiskii la saxeexo.

Waxa sidoo ay ku eedeeyeen gudoomiyaha xisbiga WADANI inaanu diyaar u ahayn in dalka ay doorasho ka dhacdo.
Dhinaca kale waxa hore ugu eedeeyay in xukuumaddu ka gaabisay in dalka doorasho ka qabsoonto gudoomiyaha ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF Mr. Anwar Cabdiraxmaan Warsame, kaasi oo u soo jeediyay madaxeeynaha inuu qaato doorkiisa hogaamineed oo uu fududeeyo qabsoomida doorashooyinka, halka uu guddida doorashooyinkana ka codsaday inay is casilaan oo ay ummadda u fududeeyaan.

Sidoo kale guddomiyaha ku meel gaadhka ah ee WADANI mudane Cabdilqaadir Jirde, ayaa shalay soo bandhigay warar aan jirin iyo xogo ay xukuumadu siisay safiirka dalka UK, kaasi oo ay u sheegeen in laga heshiiyay wixii caqabad ah ee horyaalay doorashooyinka oo ay ku jirto saamiqaybsiga kuraasta golayaha wakiilada.
Mudane Cabdilqaadir Jirde waxa uu ka digay in laysku dayo qabashada doorasho aanay ku jirin xisbigooda, iyadoo uu hore gudoomiyaha xisbiga Wadani u sheegay in haddii xukuumaddu iska daydo inay qabato doorasho aanay ku jirin aanay taageerayaasha WADANI doorasho la’aan doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here