Madaxwnaha Somaliland Oo Xilkii Ka Qaaday Taliye Ku Xigeenkii Horee Madaxtoyada Somaliland Iso Xilkaa U Magacaabay Taliye Ku Xigeen Cusub

0
501

.Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo tan iyo intii xilka madaxwaynaha Somaliland ku guulaystay ku raad joogay sidii uu shaqaalaha madaxtoyada ugu tir tiri lahaa xubnihii horee ka shaqayn jiray madaxtoyada ee isku haybta ahaayen Madaxwaynehii horee Somaliland Axmed Maxamed maxamuud siilanyo iyo wasiirkii horee madaxtoyada maxamuud xaashi cabdi.

Hadaba, Madaxwayne Biixi ayaa xilkii ka qadaay taliye ku xigeenkii madaxtoyada somaliand Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos) oo deegan ahaan kaso jeeda gobalada bariga Somaliland isago madaxwayne biixi xilkiisi u maagacabay Gaashanle mahamed shabcaan Cali oo ku abtirsada beesha madaxwaynaha somaliland horena u ahaa sarkaalkii salaanta siin jiray madaxwayne biixi marka uu ku sugan yahay munaasibadaha.

Madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi oo inta badan ku olalayn jiray in uu shacabka Somaliland cadaalad u samayn doono marka uu guulaysto ayaan wali laga hayn wax cadaalada isago xilalkii u badnaa siiyay reeerka uu kaso jeedo isago madaxtoyada ka sifeeyay dhamaan shaqaalihii iyo ciidanka kaso jeeda gobalada bariga Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here