Shirka burco lagu qabanaayo ee dan~garad waxa ka taagan hadal hayn badan iyo wal wal, siyaasi ah.

0
631

Waa maxay faa'”iidada shirkaas inoo leeyahay

#DANGARAD

waxaan u arkaa shir taariikhi ah,
Waxaan Sidoo kale fariin u dirayaa cidkasta oo uu khuseeyo shirkani

waa shir miisaan weyn leh oo ay isugu imanayaan beelaha waawayn ee deegaanka balaadhan Dagan ,
Shirkaas dan~garad waxa ka muuqata talo ka dambaysa inay ku qotanto nabad iyo wadanoolaaansho
sidoo kale Xukuumadda Somaliland waxaan kula talinlahaa inay u aragto shir nabadeed oo shirkani uu u qiimaysnaado,
waxaanu arkaa shirkani inuu noqdo kii aynu ku wada tashan lahayn. aynuna isku turxaan saari lahayn,
Shirkaas in aynu ku abuurno iskaashi kuna xoojino wax wada qabsi iyo wadashaqaynta, darisnimo walalnimo waarta

Waxa aynu rajaynayaa kana rabnaa in aynu is bogsiino, shirkaas waayo waxa aynu nahay dad walaalo ah, dad dalka, dadka iyo daaquba ka dhaxeeyo ayeynu nahay,
dad ab iyo isir wadaaga ayeynu nahay, dad kala maqnaan kara ama nihin,
waxa aynu nahay dad wax wada leh,
dad isu talin kara ma nihin,
dada kala tashan karana ma nihin,
waxa aynu nahay dad ku meel mari kara wadatashi kaliya iyo wax wada lahaasho inaga oo siman illahay ayaa ina simay,
horena umaynaan kala sarayn jirin,
maantana ma kala sarayn karno,
maanta maynaan abuurmin,
dad taariikh sooyaal ah leh ayeynu nahay, waxaanu doonaynaa inaynu wax wada yeelano inaynu wadaagno dhib iyo dheefba
ma socon karto oo meel a gaaro karno qaranimada Somaliland-na laguma meel marin karo hadaynaan wada wadin,
oo Somaliland dhulkan ka shaqayn mayso. Somaliland oo qaybsan oo qaybi baraaqo tahay oo nabad iyo maamul ka jiro qaybina qasan tahayna dal ma noqon karto, taas khibradeeda iyo waayo aragnimadeedna waanu leenahay oo waxaynu Hormuudka ahayn somaliland nabadaynteedii iyo aasaasideedi

“ Waxaynu doonaynaa Somaliland inaynu wada dhisno si wadajira
waxaanu doonaynu Somaliland nabad ah, oo horumar laga hirgaliyo deeganadedna aynu ku wada noolahay ,
Waxaan dhamaan idinka xodsanayaa inaad si wada jira uga wadashaqasaan qabsoomida shirkaas oo aan laydin ka siyaasadayn
Waayo waxii wanaagsan waxay leeyihiin cadow badan oo shaydaanku ugu horeeyo

Wabilaahi towfiiq

Cheif caqil Maxamuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here