Waa weji-gabax weyn iyo fashil ku yimi xukuumadda Muuse Biixi madaxda ka yahay

0
545

Waxa ka dhacay Sanaag Bari waa farriin cad oo ina halacsiinaysa sida xukuumadda Somaliland ugu guuldarraysatay hoggaamintii waddanka.

Sannadkii hore dabayaaqadiisii ayay ahayd markii laga digey in Somaliland ay “baallaha ka soo rifmayso, dhexdana uu xar ka galay”!

Belo lama saadinayn ee waayaha ayaa taas laga akhrisanayey!

Wax weyn bay iminkana inoo sheegaysaa in guutooyin ciidamo ahi saraakiil, ciidan iyo hubkoodii kala baxaan Somaliland, kuna biiraan Puntland. Aaway Badhan iyo maamulkeedii?!

Ilaa hadda in xukuumadda Somaliland ka hadashay arrintaas ma ogi, hase yeeshee waa weji-gabax weyn iyo fashil ku yimi xukuumadda Muuse Biixi madaxda ka yahay, shacabkuna waa uu ka xun yahay baalkaas ka go’ay!

Maxamed Baashe Xaaji Xasa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here