Madaxwaynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Xildhibaan Cali Aareeye Oo Kamid Ahaa Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ku GeeriyodayDalka Turkiga Oo Xaalad Caafimad U Yaalay.

0
353

 

TACSI MADAXWEYNE 05/06/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Golaha Baarlamaanka gaar ahaan golaha wakiilada Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ku geeriyooday dalka Turkiga Xalay oo ay taariikhdu tahay 05/06/2019.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey xildhibaan qaran oo ka baxay guud ahaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, muddo dheerna u shaqaynayey qarankiisa, isagoo dawladii marxuum Cigaalna ka noqday wasiirka wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska, 2005-kiina ku soo baxay doorashadii golaha wakiilada Somaliland oo uu ka mid ahaa hadda, laguna xasuusan doono xildhibaanka waayo aragnimo, karti iyo aragtidiisa waddanimo.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Baarlamaanka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here