Qashinka Biyaha Roobka La Raaciyo Xili Roobaadka. Dr Buux Ibraahim

0
468

Maxaa sababay in dadku qashinka ay raaciyaan biyaha roobka

1 dawlada hoose ee dalka iyo shirkadaha qashinka oo aan u danaynayn bulshada in ay qashinka ku qaadan lacag la an iyo waqti sugan oo ku talo gal ah qashin ururinta

 

2   dhiska wadoyinka oo aan lahayn qorshe dhis biyo mareen sugan iyo wadooyinkii danta guud oo cidhiidhiya sababahaa awgeed ayey dadku ka doorbideen qashin qaadistii oo qiimo qaaliya in ay raaciyaan biyaha roobka qashinkaas oo aad wax ugu dhimay qurxintii iyo bilicdii fayadhowrka magaalooyinka dalka jsl

 

Waa in la kala saara intaan qashinka laga soo saarin goobaha magaalooyinka dalka noocyada qashin ee uu ka kooban yahay

 

Khtarta caafimaad daro ee ka iman karta walxaha la raaciyo qashin qaadista

Waa in aad looga taxadiraa in aan la raacin qashinka waxyaabaha qarxa ama irbadaha farmasiyada iyo cusbitaalada kasoo baxa sidoo kale daawooyinka sharaabka dhacay etc maadama ay goobtii qashinka qubka caasimada ay u dhawdahay dhismaha deegaanka caasimada taas oo si fudud ugu dhex jiraan caruur aad u yaryar oo guranaaya kana raadinaaya waxyaabo ay ku daboolan baahida noolaleed ee haysata qoysaska ay kasoo jeedan waxyaabahaas oo khatar caafimaad daro ku keeni noolashooda

Waxaad arkaysaa gadiid qashin sida oo qashinkii uu ka daadanayo hareeraha dhaliisha waxa ka masuul ah dawlada hoose ee caasimada

 

Waxa aan marna la hilmaami karayn wadooyinka xidhan ee caasimada qashinka buux dhaafiyey wadooyinka burburay waqtiga xili roobaadka iyo foolxumada ku gadaaman quruxdii ay lahayd caasimada hargeisa waxa u fiican in moyarka caasimada hargeisa uu si dhaqso ah uu isku casilo si bulshada ku nool hargeisa ay soo doortaan aqoonyahan masuul ah oo buuxin kara xilka moyarnimada caasimada hargeisa

Moyarka caasimada hargeisa oo ku fashilmay qorshaha nadaafada caasimada iyo shirkadaha oo kula jira dawlada hoose heshiis qarsoodi ah oo aan ahayn waxqabad muuqda

 

Dumsites ceespoll goobaha qashin qubka qashinka bulaacadaha oo ay dhaaftay qorshahii magaalooyinka dhiska iyo deeganka godadkii loogu talo galay oo buuxsamay hada qashinkii oo dul iyo hareero hoganaaya buuraha hareeraha biyo mareenada ur fayadhowr xumo dul hoganaysa maamulada dawlada hoose ma jiro qorshe waxqabad iyadoo xili roobadka ay qarka u saaran yahiin halis caafimaad oo ka timaada waxyeelada qashinkaas

 

Waxa si khaldan loo maamulay qashin qaadistii iyo shirkadihii oo aan aqoon u lahayn ujeedada qashin ururinta iyo waxyeelada caafimaad daro ee ka iman karta oo u baahan in la darso

 

Xogta heerka waxqabad ee shirkadaha maaraynta qashinka magaaloyinka iyo fahan aqoon la anta dawlada hoose ee dalku ujeedada iyo hatafka ka dambeeya mashruuca ppp public private partnership ee maraaynta qashinka shirkadaha iyo dawlada hoose

 

2005 ayey ahayd markii mashruucan lagaga wareejiyey dawlada hoose ee dalka ujeedadu ma aha in qashinka laga saaro caasimada laguna daadiyo meel ka fog magaalada

Sida uu dhigayo heshiiska shirkadaha qashinka lagu wareejiyey in ay dardar galiyaan shaqadooda nadaafadeed ilaa heer ay kor u qaadayan horumarkooda dhaqaale si loo abuuro nidaam heer qashinka looga faaidaysanayo oo leh shaqo abuur baahsan iyagoo raacaya kuna dhaqmaya sharciga iyo qawaaninta fayadhowrka qashinka

Si loo sameeyo goobaha weelka qashinka dustpin ee jidadka caasimada in lagu wacyi galiyo loona sheego bulshada in aan qashin lagu tuurin meel aan loogu talo galin

Sidoo kale in dawlada hoose ee dalku ay ku daba galaan shirkadaha la wareegay maaraynta qashinka magaaloyinka hawshooda shaqo ee lagu siiyey qandaraaska shirkadii kazoo bixi wayda shaqadeeda in maamulka dawlada hoose ay badaalan una soo bandhigaan qaadasho shirkado buuxinaya qodobada heeshiisku dhigayo ma aha in ay heshiis xaaran iyo laalush shaqo ay ku heshiiyan moyarada dalka iyo maamulada shirkadaha

 

Waxa suurto gashay in dhaqaale abuur xoogan uu ka soo xaroodo dadwaynaha ku nool magaalooyinka dalka oo shirkadaha ay ku bixiyaan guri kasta 5 doolar oo ah kharashka qaadista qashinka

Ma jirto horumar xirfad aqooneed oo ay la yimaadeen maamulka shirkadaha maaraynta qashinka sidoo kale waxa qashinka lagu ururiyaa gaadiid daalay oo aan la isku halayn karayn badbaado iyo km socod

Gadiidkas oo u badan gawaadhi dhayne ah af banana xiliga qashin rarista qashinkaas oo ku daata jidadka caasimadaha dalka

Ma jirto daryeel caafimaad oo lagula socdo caafimaad qabka shaqaalaha ka howl gala shirkadaha oo la siiyo mushahar aan ugu filnayn shaqada qashinka ururinya ma jirto toosin iyo tusaale caafimaad sida ay uga badbaadi lahaayeen qashinka iyo howlihiisa shaqo ama qalab shirkaduhu ay u siiyanin ay ka xidhaan waxyeelada caafiimad ee qashin ururinta

 

Shirkadaha waxa ku soo xarooda dhaqaale kor u dhaafay milon dollar oo dadwaynahu ay kaga qayb qaatan qashin ururinta magaaloyinka dalka ma jirto hubin xisaabin waxqabad ee dakhligaas

 

Qashinka cusbitaalada iyo pharmasiyada qashinka hadhaaga suntan warshadaha oo loo baahan yahay in loo maamulo sifo sharci oo gaara waxa si fudud loogu dhex daray qashinkii caadiga ahaa ee kazoo baxayey magaaloyinka dalka waxa dhacay sumow iyo halis waxyeelo caafimaad ee bulshada iyo deegaanka waxa dhacda in qashinkaas marmarka qaar lagu dhex gubo goobaha qashin qubka ee dump sites oo hada ay dhaafeen dhiskii iyo deegaankii magaaloyinka dalka

Qashinka hadhaaga suntan warshadaha oo aan loo maamulin nidaam taxadir sharci fayadhowr waxa uu sababaa in daadka biyaha roobka ay soo raacdo suntu oo ay biyahi si toos ah ugu dhacaan ceelasha iyo harooyinka aynu ka helo biyaha aynu isticmaalo khatartan caafiimad waxay dhaxalsiisay in ay soo gaadho bulshadii cuduro sababa caafimaad daro iyo dhimasho xoogan

Foostooyinka suntan warshadaha laga isticmaalay oo aad ku arkaysid magaaloyinka dalka iyagoo biyo keydin cabis ama dhiska guryaha loo isticmaalayo fahan la an ka haysata bulshada danyarta dadka aan haysan dhaqaale lacageed oo ay ku bixiyaan qashin qaadista guryahoodu waxa si fudud ugu daadiyaan jidadka iyo biyo mareenada caasimada oo keeni kara fayadhowr xumo iyo dhibaato deegan xumo

Waxa sidoo kale ama dhacda in qashinka ay ku gubaan meel aan ka fogayn guryahooda ma jiro qorshe hoos loogu eego arimahaas ilaa moyarada dalka

 

Waxaad aragtaan qashinka oo daadsan jidadka caasimada waqti ay bulshadii adeeganayaa kuna guda jiraan shaqooyinkoodi gaarka oo subaxnimo ma jirto la xisaabtan iyo maamul dawladeed oo ku wajahan dhaliisha shaqo ee shirkadaha

 

Waxa meesha ka baxday wada shaqaynta shirkadaha iyo qaybaha arimaha bulshada si loo horumariyo qurxinta bilicda iyo nadaafada jidadka caasimada ma jirto wacyi galin fayadhawr ee shacbiga

 

Waxaad arkaysa iyadoo 9 fiidnimo ay qaadayaan bulaacadaha booyadaha waqtiyo caways ah oo dadku ay ku guda jiraan shaqooyinkoodi gadiidka booyadaha oo aanay dawlada hoose la socon waqtiga ay qaadayan iyo goobta ay gaynayaan

Waxa kale oo aad arkaysa isla 9 fiidnimo huteelada cuntada oo biyahii wasakhda ee kaydka ahaa ku daadinaya jidadka caasimada iyadoo aanay jirin qorshe fayadhowr oo lagula socdo shaqadooda gaarka ah

WQ: Dr Buux

Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

buux2010@gmail.com

0634130821

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here