Xarunta Dhaqanka Hargaysa oo Soo Farogelisay Xogtii Xafiiska Imtixaanaadka Iyo Guddoomiye Daa’uud Oo Si Adag uga hadlay

0
352

hase yeeshee xafiiska Imtixaanaadka qaranka ayaa si adag gaashaanka KU dhuftay dooddan

Hargaysa(HWN):-wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL Ayaa waxba kajiraan ku tilmaantay qabanqaabada dood ay xarunta dhaqanka ee Hargaysa sheegtay inay qabanayso, taasoo lagaga Hadlayo arrimaha Imtixaanaadka. Doodan oo ay Ugu magac dartay “Doodcilmiyeed ku saabsan imtixaanaadka qaranka iyo ladagaalanka qishka”, ayaa xaruntani ogaysiiskeeda iyo goorta la qabanayaba KU daabacday boggeeda Facebook ga. Waxaanay dadweynaha Ugu baaqday inay kasoo qayb galaan gaar ahaanna waalidiintu.

Hase yeeshee xafiiska Imtixaanaadka qaranka ayaa si adag gaashaanka KU dhuftay dooddan iyo xarunta shaacisayba.

Md. Daauud Axmed Faarax, guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka qaranka oo xalay cawayskii beeniyey Doodan ayaa qoraal kooban oo barta uu xafiiska Imtixaanaadka qaranku KU lleeyahay Facebookga Lagu baahiyey waxa uu u dhignaa sidan:

“”Waxba kama jiraan Kulanka doodda ah ee Xarunta Dhaqanku shaacisay. Ma ogi mana jirto meel ay igula soo xidhiidheen.

Sideedaba, doodaha noocan ah waxa u xilsaaran Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka. Sidaas darteed, ma aqbali karno in cid kale ku soo xadgudubto awoodaha sharci ee xafiiskan.” Sidaad ayuu yidhi Guddoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka JSL, Md. Daa’uud Axmed Faarax.

Daqiiqado ka did markii gudoomgudoomiye Daauud hadlay ayaa xaruntani KU dhawaaqday inay doodii joojisay walow aanay cudur daar bixin Isla markasna aany raalli gelin wasaaradda waxbarashada

Waxaanay yidhaahdeen “Doodcilmiyeed lagaga hadlayey imtixaanaadka qaranka oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Somaliland Youth Forum oo lagu qabanayey hoolka Xarunta, maalinta Isniinta, waannu joojinnay.”

Gebogobi

Arrintan ay xaruntu KU farogelisay shaqadii Imtixaanaadka qaranka JSL ayaa ku soo beegantay xilli ay imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanadkan ardaydu u fadhiisanayasn 15-ka Bishan, waxaana ra’yul caamku isweydiinayaan sababta loogu Soo beegay waqtigan iyo ujeedada ka dembeysa, maadaama uu xafiiska imtixaannaadku sumcad ku kasbaday sida uu guntiga Ugu giijisto ilaalinta xogta imtixaannaadku qaranka iyo xogtiisa

Xigasho Hadhwanaag

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here