Daawo: Kornayl Caare Oo Badhasaabka Laascaanood Ugu Hanjabay Inuu Gurigiisa Ugu Dhici Doono

0
49

Burco (Qoryaalenews)-Kornel Saciid Cawil Jaamac Caare oo maanta Qardho shir jaraad ku qabtay wuxuu wacad ku maray in uu gudoomiyaha Gobolka Sanaag uu gurigiisa ugu gali doono marka dhulku qalalo, sidoo kalena wuxuu beeniyay war kasoo baxay isla gudoomiyaha Gobolka Sanaag oo ahaa in uu dalka ka dhoofayo, Caare wuxuu sheegay in uusan meelna dhulkiisa ugu socon.

Caare sidoo kale wuxuu ka codsaday golaha guurtida iyo baarlaamanka ee Somaliland in ay xil ka qaadis ku sameeyaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiir Kaahin oo uu ku tilmaamey gacan ku dhiiglayaal, sidoo kale hay’adaha cadaalada ee dunida ayuu ugu baaqay in ay ku maxkamadeeyaan danbiyada ay galeen.

68 Views

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here