Hogaanka Siyaasadda, Dhaqanka iyo Ciidamada Beesha Warsangeli oo Badhan ku kulmaya.

0
372

Badhan: Waxa magaalada Badhan soo gaadhay Wasiiro, Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka soo kicitimay Garowe, Waxa kaloo magaalooyinka kala gedisan ee gobolka ka yimi Cuqaal, Nabadoono iyo odayaal.

Hogaankan ayaa la filayaa inay magaalada Badhan ku yeeshaan kulamo kala gedisan, Waxana la fili in magaalada lagu qabto shirweyne balaadhan oo lagaga aranisan doono “Aayaha Mandaqada”.

Wasiirada soo gaadhay Badhan waxa kamid ah: Wasiirka Waxbarshada Puntland C/laahi Maxamed Xasan (AGAF), Wasiiru dowlaha Deeganka C/rashiid Gelle, Wasiir ku-xigeenka Arimaha Guddaha Maxamed Musadiq, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta C/saalan Siciid Faarax, Wasiir ku-xigeenka Garoomada iyo Duulista Hawada Sucaad Saalax.

Hore waxa u joogay Badhan Guddomiyaha Barlamaanka Puntland C/xakiim Maxamed Axmed – Dhoobo, waxa kaloo yimi Xildhibaanada kala ah Cali Axmed Dhahar, C/rixmaan Dhoore, Axmed Cabdi Jaamac.

Cuqaal iyo Odayaal ka soo kicitimay Magaalooyinka Damalaxagare, Xingalool, Ceelbuuh, Midigale, Buraan iyo magaalooyin kale ayaa soo gadhay ilaa maanta magaalada Badhan.

Xubno ka tirsan qurba joogta mandaqada, Aqoonyahan iyo siyaasiyiin hore ayaa ka qayb geli doona kulamadan.

Ayaamaha soo socda wax la fili in wax garad kale ka yimaadaan deeganada Ceergaabo, Yube Laasqoaray, Dhahar, iyo Qol.

Kadib dagaalkii ka dhacay magaalada Damalaxagare waxa deeganada gobolka Ka bilaabmay Kacdoon lagaga soo hor jeedo wax looga yeedhay “faragelinta iyo dhul balaadhsi uu maamulka Somaliland ku hayo gobolka Sanaag”.

Dabaraani Media Inc

Sawirka Asma Daimond Mohamed.
Sawirka Asma Daimond Mohamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here