Qaramada Midoobey Oo Ka Digtay Xiisad ka Soo Dhex Cusboonaatay Serbia Iyo Kosovo

0
400

Kosovo (QoryaaleNews)    Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee dalka Kosovo ayaa sheegay in xaaladda gobolka aysan “cago adag ku taagnayn” sababtoo ah buu yiri xiisadda u dhaxeysa dalalka Serbia iyo Kosovo.

Warbixin uu u soo bandhigay Qaramada Midoobay ayuu Zahir Tanin ka digay xiisadda labada dal u dhaxeysa.

Warbixintan ayaa soo baxaysa iyada oo la xusayo 20 sano guuradii ka soo wareegtay markii ciidamadii Yugoslav ay ka baxeen Kosovo.

Balse ergayga Qaramada Midoobey ee Kosovo Zahir Tanin ayaa ka digaya in xilligani uusan ahayn waqti la dabaldago.

Waxuu sheegay in haddii labada dhinac aysan si dhab ah u wadahadlin xaladda “ay meeshii hore ku laaban doonto “.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Kosovo Zahir Tanin ayaa warbixintiisa waxay farta ku fiiqaysaa go’aanka Kosovo ay canshuur boqolkiiba boqol ah ugu soo rogtay badeecooyiinka laga keeno Serbia.

Tanina ayaa ka digay in xiisadda labada dhinac ay tahay mid culus oo loo baahan yahay in la dajiyo.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Kosovo Zahir Tanin ayaa dhanka kale cambaareeyay xarigga loo gaystay shaqaala ka tirsan Qaramada Midobey.

Waxa uu sheegay “in awood xad dhaaf ah loo isticmaalay ” markii ay booliiska Kosovo xirayeen shaqaalahaasi.

Mr Tanin ayaa Belgrade iyo Pristina ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan sidii xiriirka looga dhigi lahaa mid caadi ah “loona heli lahaa xasilooni waarta ” oo gobolka lagu soo dabaalo.

Mowduucyada la xiriira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here