Maryan Xuseen oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee muslim ah, soomaalina ah ee xijaab la fariisata aqalka looga arrimiyo Norway

0
83

Maryan Xuseen oo ah gabar soomaaliyeed oo 32 jir ah ayaa taariikh ka gashay dalka Norway kadib markii isbuuqaan iyadoo xildhibaanad-xigeen saddexaad oo kasoo jeeda xisbiga SV ay kursi ka heshay guriga looga arrimiyo dalkaasi Norway ee loo yaqaan Stortinget.

Waxa ay fadhisaa xafiiska siyaasiga Petter Eide uu ku leeyahay gudaha Stortinget islamarkaana kasoo jeeda xisbigeeda.

Maryan ayaa iyadoo 10 jir ah tagtay dalka Norway sannadkii 1997-ka, xilligaasi oo uu aabeheed halkaasi ugu horreeyay oo uu dalbaday qoyskiisa, sidaasna loogu geeyay.

Bilo ka bacdi markii ay tageen Aabeheed ayaa u geeriyooday xannuunka loo yaqaan Kansarka.

Waxa ay u sheegtay jariiradda Dagbladet in ay nasiib leedahay maadaama qaabkii Aabeheed loogu ogolaaday in loogu keeno qoyskiisa xilligaasi uusan maanta shuruudaha cusub ee qoys-dalbashada buuxin kari laheyn.

Maryan ayaa noqoneysa gabadhii ugu horreysay ee muslim ah islamarkaana soomaali ah oo iyadoo xijaab jidata ka shaqeysa guriga shaqrcidejinta Norway ee Stortinget.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here