Suldaan Guud Beelaha Haberjeclo Suldan Cabdilaahi Suldan Cali Oo hada Hadlay iyo arimo badan ka hadlay

0
815

Suldaan Guud Beelaha Haberjeclo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali  Oo Ka Hadlay Magta Loo Kala Qaaday Labada Beelood Ee Ceel-afweynSuldaanka Guud ee Beesha Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, ayaa ka hadlay magta loo kala qaaday labada Beelood ee wada dega Ceel-afweyn, waxaanu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay mar walba ilaaliyaan nabada, kana dheeraadaan wax kasta oo fidno iyo dhibaato keenaya.

Suldaanka Guud ee Beesha Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse,oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn yidhi, “Waa alxamdulilaah haddii is afgarasho, barwaaqo iyo nabad ay wax walba inoogu dhammaadeen, oo Beelaha walaalo ah ee is dhalay, ee wada dhashay ee isku oodda ah, ee isku deegaanka ah, ee isku abtiga iyo waalidka ah Ceel-afweyn wada dega ay wax walba ka doorbideen nabadooda, in magtiina si fiican u kala qaataana, waa sharaf, ALLE ayeyna mahadaas oo dhan iska leh, cid kasta oo gacan ka geysatayna nabadaynta Beelahana ALLE miisaanka xasanaadka ha ugu daro”.

Mar uu Shacabka Somaliland baaq u diraayey ayaa uu yidhi “Roobabkii waa kuwaas inoo da’ay, ALLENA waxaynu ku baryeynaa inuu ina siiyo madar khayr qaba, Shacabkana waxaan leeyahay ka digtoonaada oo ka dheeraada wax kasta oo dhib keenaya, oo nabada ilaaliya, oo walaaltnimada ilaaliya”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here