Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Hooyoyin Loosoo Xidhay Dilkii Labadii Sarkaal Ee Kasoo Jeeday Boorame

0
337
Mid Kamida Hooyooyinkaas Sahra Cabdi Jaamaca Ayaa mudo Bil Iyo Badh Ah Ku Xidhan Xabsiga Magaalada Burco  Hooyadan Ayaa Laga Soo Qabtay Magaalada Oog Ee Gobolka Saraar Ehelada Hooyadan Ayaa Sheegay In Loo Xidhay Odaygeeda Oo Kamid Ahaa Dadkii Goobtaas Tegay Markii Uu Dilku Dhacay Lalayahay Meel Uu Jaan Iyo Cidhib Uu Dhigay
Sida Ay Kuwarka Ku Bixiyeen Ehelada Hooyadan Hooyadan Xidhan Ayaa Ah Bukaan Culus Oo Laga Helay Xanuuno Kala Duwan dawlada Ayaa Sheegtay In Loo Hayo Badelka Odaygeeda Si Uu Isu Soo Dhiibo Hooyadan Ayaa Ah Hooyo Dhashay Sideed Caruura Oo Waliba Hablo Ah Xukuumada Somaliland Ayaan Ilaayo Hada Ka Hadlin Arinkaasi Taas Oo Dhibaato Weyn Ku Ah Maatada La Xidh-xidhay,Halka Ay Ku Haboon Tahay In Gacanta Lagu Soo Dhigo Dadkii Fal-danbiyeedkaasi Geystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here