”Bariga SL 100 sano ayuu ka danbeeyaan Galbeedka SL” Ali Guray, mahadsanid mudane

0
443

Buug uu qoray Paul Collier oo bare ka ahaa jaamacada Oxford oo la yidhaaho The Botton Billion – kana faalooda Africa ayaa wuxuu leeyahay ”Africa waxay dunida ka danbaysaa 6-7 Qarni wuxuu ku tilmaayey inay Africa soo marayso qarnigii 14aad” kolay waa iska qiyaas.

Ali Guray haduu yidhi Burco, Laascaano, Ceerigaabo waxaay Hargeysa ka danbeeyaan 100 sano wuu qiyaasay waana guubaanin haboon ileen weli waxaa shaqeeya kalashinkoof kii halka laga yaabo In 20jirka Hargeysa jooga in aanu weligii qori taaban.

Su’aalaha ka dhalanaya ee aah
maxaa intaa dib udhigay?
yaa ka mas’uul ah dib u dhaca?
yey utaalaa inay wax ka qabtaan?
meeyee dadkii goboladaa u dhashay?
sidee wax looga bedeli karaa xaaladdaa jirta?
yaa u maqan?
Xagee laga bilaabayaa?

iyo kuwalamid ka ahi uma yaalaan Ali Guray iyo cid walba oo dhaliisha qaab nololeedka gobolada bariga waa la garanayaa cida ay u taalo mas’uuliyadaasi.
malaha aniga iyo adiga ayey inoo taalaa?

Maah-maaha Soomaalida waxaa ku duugan xiskad badan
” Nin ragi waa ogyahay nacasna loo sheegi maayo” ayaa kamid ah
” Nuur iyo Naaleeyaba waa loo joogaa ” ayaa kamid ah waxaa loo soo qaataa maantaba waynu joognaa.( in kastoo maahmaada inta danbe aan ka reebay)

Qormo danbe oo aan ugu talo galay Shirka dhaqan ee HJ iyo Garxejis ayaan ku faalayn doonaa waxa kala gudboon arimaha.

Horumaku wuxu leeyahay tiirar Iyo rukumo lagu qotomiyo :-
– Xalisooni iyo Nabad ayaa kow ka ah
– Nidaam iyo dawlanimo
– Aqoon iyo tacliin tayo leh
– Dhaqaale
– intaba waxa ugu horeeya ISKAASHIGA BULSHADA.

Qora .Cabdirashid Maxamed Baaxer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here