Maraykanka Oo Askar Dheeri Ah U Diraya Bariga Dhexe

0
382
U.S. Soldiers depart Forward Operating Base Baylough, Afghanistan, June 16, 2010, to conduct a patrol. The Soldiers are from 1st Platoon, Delta Company, 1st Battalion, 4th Infantry Regiment. (DoD photo by Staff Sgt. William Tremblay, U.S. Army/Released)

Maraykanka Oo Askar Dheeri Ah U Diraya Bariga Dhexe

 

Miltariga Maraykanka ayaa 1,000 askari oo dheeri ah u diraya Bariga Dhexe iyadoo ay sii xoogaysanayo xiisadda kala dhaxaysa Iiraan.

Wasiirka difaaca ee ku meelgaarka ah Patrick Shanahan ayaa sheegay in gaynta ciidammadaas ay jawaab u tahay wax uu ku tilmaamay “dabeecadaha qalafsan” ee ciidammada Iiraan.

Ciidammada badda ee Maraykanka ayaa sidoo kale soo bandhigay muuqaallo lala xiriiriyay Iiraaan oo ku saabsan weerarradii lagu qaaday maraakiibta shidaalka qaada ee marayay gacanka Cumaan.

Iiraan ayaa Isniintii ku dhawaaqday in aysan u sii hoggaansamayn qayb ka mid ah heshiiskii ay gashay 2015 kaas oo ku saabsanaa in ay dhinto hamigeeda nukliyeerka ku saabsan.

 

Waxay sheegtay in ay ka bixi doonto heshiiskii ay la gashay quwadaha caalamka ee ku saabsanaa yuuraaniyaamka, arrintaasna ay ku dhaqaaqi doonto meesha lagu gaaro 27 Juunyo.

Maxaan ka ognahay ciidammada dheeriga ah?

Ciidammada Maraykanka ee la gaynayo Bariga Dhexe waxaa ku dhawaaqay Shanahan ammin dambe oo Isniintii ah.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuuna ku sheegay “in Maraykanku uusan rabin in ay isku dhacaan Iiraan” balse tallaabadaas loo qaaday “sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka ciidammada Maraykanka ee ka hawlgalaya gobolka si ay u ilaaliyaan danahooda.”

“Weerarradii u dambeeyay ee Iiraan waxay makhraati u yihiin wararka sugan ee sirdoonka ee aan helayno kuwaas oo ku saabsan deecadaha cadawnimada ah ee Iiraan iyo kooxaheeda oo halista ku galinaya ciidammada Maraykanka iyo danaha ay dgobolka ku leeyihiin,”

Wuxuu intaas ku sii daray in milatarigu ay sii wadi doonaan in ay la socdaan xaaladda ayna qaadi dooniin tallaabooyin isbadal loogu samaynayo milatariga iyada oo waaqica kolba jira lala jaanqaadayo.

Faahfaahin lagama bixin goobta la gaynayo ciidammada dheeriga ah ee Maraykanka.

Ciidammadan dheeriga ah ee Isniintii lagu dhawaaqay kuma jiraan 1,500 ee dheeriga ahayd ee bishii hore uu ku dhawaaqay madaxweyne Trump.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mike Pompeo ayaa Axaddii sheegay in Maraykanku uusan rabin in uu dagaal la galo Iiraan, balse si kastoy ahaataba ay ka baaraan dagayaan arrimo kala duwan”.

Wuxuu la kulmi doonaa taliyaha masuulka ka ah ciidammada ku sugan Bariga Dhexe iyadoo kulankaasi uu ka dhici doono xarunta taliska dhexe ee Florida maalinta Talaadada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here