Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Wafigii Uu Hoggaaminayey Oo Kulan La Qaatay Cududda Dhalinyarada Iyo Aqoonyahanka Gobolka Awdal.

0
389

Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Wafigii Uu Hoggaaminayey Oo Kulan La Qaatay Cududda Dhalinyarada Iyo Aqoonyahanka Gobolka Awdal.

Boorama (Qoryaalenews)-Madaxweyne kuixgeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo waftigii uu hoggaaminayey ee hawlaha shaqou joogay Gobolka Awdal ayaa kulamo kala duwan la qaatay Laamaha Dawladda ee heer Degmo iyo heer Gobol, Sidoo kalena qeybaha kala duwan ee Bulshada ayey la kulmeen.

Madaxweyne ku xigeenka iyo wafigiisu waxay Xalay Kulan balaadhan la qaateen dhalinyarada iyo aqoonyahanka Gobolka Awadal, shirkaasi oo ka qabsoomay Hotel Saw ee Magaalada Boorama, waxaa lagaga wada hadlay Horumarinta Gobolka iyo sidii ay dhalinyaradu uga qeyb qaadan lahaayeen mashaariicda horumarineed ee gobolka.

Wasiiradda Wasaaraddaha Beeraha, Axmed Muumin Seed, Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo kulankaasi ka hadlay ayaa dhalinyarada ku bogaadiyey hannaanka wanaagsan ee ay uga soo qeyb galeen kulanka, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in dhalinyaradu kaalin mugleh ku lahaato horumarinta Gobolka Awdal maadaama ay yihiin mustaqbalka berrito hoggaamin doona Waddanka.

Madaxweyne ku ixgeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo isagu ugu danbayntii ka hadlay kulaankaasi ayaa sharraxaad ka bixiyey awooda dhalinyarada, qaabka ay uga faa’idayn karaan qarankooda iyo gobolkooda, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku dhalinyaradii halkaasi joogtay u sheegay in la joogo wakhtigii aqoonta wax loogu tari lahaa guud ahaan qaranka iyo gaar ahaan gobolka, loona baahan yahay in dhalinyaradu kaalin mugg leh ka qaataan mashaariicda horumarineed iyo midnimada ummadda reer Somaliland.

Dhalinyaradii kasoo qeyb gashay kulankaas ayaa Madaxweyne ku xigeenka iyo Waftigiisa uga mahad celiyey kulankaasi oo ay sheegeen inuu ahaa mid loo baahnaa ka dhalinyaro ahaana ay markasta danaynayaan kulamada noocaasi ah, waxa ay Madaxda ku bogaadiyeen dhiiri-gelinta iyo maamuuska ay maamuuseen, waxaana halkaasi ay ku waydiiyeen su’aalihii ay qabeen dhalinyaradu iyagoo usoo bandhigay qaab aqooni ku dheehan tahay, Madaxweyne ku xigeenka ayaa isna mid mid uga jawaabay su’aalihii la waydiiyey waxaana uu fadhigaasi kusoo dhammaaday jawi wanaagsan oo is afgarad.

Wa-bilaahi tawdiiq

Image may contain: 4 people, people standing, people sitting, wedding and indoorImage may contain: one or more people and indoorImage may contain: 6 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: one or more people, people sitting, table and indoorImage may contain: 12 people, people smiling, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, glasses and indoorImage may contain: 1 person, smilingImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, indoorImage may contain: 3 people, people smiling, indoorImage may contain: 1 personImage may contain: 2 people, glassesImage may contain: 2 people, glassesImage may contain: 3 people, people sitting and indoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here