Magacyada Guddiida loo sameeyay inay Iskuulka Farsama Gacanta u soo wareejiyan Hargeysa iyo Xogta ku dugan

0
411

Dugsiga Farsamada Gacaanta Magaalada Burco ayaa 4 Sano ka hor  dawlada Jarmalku u qondeyen inay dibu dhiis ku sameeyan oo tiraba ilaa afar jeer ay boqosho ku imaanden iskuulka balse qorshiihi ahaa in dawlada Jarmalka oo iskuulka Farsamada Gacanta Burco iyo Sadex iskuul oo kale Soomaaliya ku yala u qorshaysay lacag dhan Sadex iyo Toban Milyan Dolar  oo Dolar Maraykan ah .qorshaha ayaa waxaa badalay Marki Dawladi Axmed Silaanyo Meesha ka baxday ee Yimaaden Dawlad  Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenku iyo wasirki Waxbarashada wakhtiiga Cabdilaahi Habane iyo Wasirki Qorshaynta wakhtiiga Cawale shirwac  intuba Galbeedka Somaliland ka soo   jedan ayaa la Samaystay Guddi Shan Xubnood ah oo dhamaantood ka soo jeda Qoyska Madaxweynaha oo kala ah,

Guddida iskood isu magacaabay,

1-Gudoomiyaha Guddida   Xusen,    Qabilka Sacad Muse

2-Gudoomiyekuxenka Agaasimaha Guud shaqo gelinta iyo arimaha bulshada Maxamed Ilkacase.  Qabilka ,Cise Muse

3-Cabdicasiis Samaale    Sacad Muse

4;Agaasimaha Guud Waxbarashada Axmed Abokor  .Qabilka Cise  Muse

5.Agaasimaha Guud Qorshaynta Cabdirashid,   Qabilka Sacad Muse

 

Shanta Xubnood ayaa iskod isu Magaacaabay inay yihin Guddida Guud iskuulka farsamada Gacanta Burco  waxaa wax lala yaba in ay jiran Guddi Mamuulla Gobolka Togdheer iyo Bulshada Reer Burco si wada jira u magacaaben oo kala ah.

Gudooomiye  Dr axmed Xasan

maxamed Farax

Jamal Xinwaal

Hinda Axmed

Yusuf Farax isqoys

Eng Farax Xusen

Salebaan Kulul

Guddidas oo hada Hargeysa ku sugan oo u yimi inay Madaxweynaha la kulman balse ilaa hada hargeysa Jooga u sura galin .waxaa xaqiiqa in Guddiida iskood isu magacaabay inay Dawlada Jarmalka iyo Hayada fulinaysa u sheegen in iskuulka Burco la soo wareejiyo oo laga dhiiso Hargeysa inkasto warar kale soo baxayan in Berbera iyo Gabiley iskuulo Farsama gacanta laga dhiisaayo lacagta wax looga jarayo.

Wararka Xaqiiqada ka helnay Guddida iskuulka ka soo helen Dawlada Jarmalka ayaa ah in iskuulka Burco an la oganayn in lacagta lagu dhiiso iyo shan sano u qorshysnayd in dawlada jarmalku gacanta ku qabto.balse dawlada Jarmalka ayaa diday inay iskuul Hargeysa anay iyagu dhiisin shaqona anay ku lahayn balse iskuulka Burco iyagu dhiisen una qorsheeyen lacagta .

Waxaa la suga Natijada Kulanka Madaxweynaha iyo Guddida Bulshada Togdheer matalaysa waxii ka soo baxa waaba hadu qabilaba.

Fiiro Gaara”  Waxaa wareejinta iskuulkan in Hargeysa la keno doorka ugu weyn ka qatay Wasirki Hore Maaliyada Cabdicasiis Samaale  oo Madaxweynaha isku qoys yihin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here