Madaxweyne Biixi Iyo Beeshiisa Oo Diyaariyey Dhibatooyin Ay Ku Doonayaan Inay Ku Fashiliyaan Shirka Burco Iyo Shir Qarsoodi Ah Oo Bari Hargeysa Ka Dhacaya

0
481

Madaxweyne Biixi Iyo Beeshiisa Oo Diyaariyey Dhitooyin Ay Ku Doonayaan Inay Ku Fashiliyaan Shirka Burco Iyo Shir Qarsoodi Ah Oo Bari Hargeysa Ka Dhacaya

Hargaysa {QoryaaleNews} Shir qado sharafeed ah oo loogu talo galay xildhibaanada guurtida, wakiillada iyo wasiirrada labada beelood ee habarjeco iyo habar awal shirka oo ay soo qaban qaabiyeen xubno madaxweynuhu dhabartaabtay oo ay isku beel yihiin, shirka oo bari loo balansan yahay gogol dhigiisana ay lee yihiin beesha madaxweyne biixi ayaa lagu macneeyey in ujeedkiisu daaran yahay sidii looga soo horjeesan lahaa shirka turxaanbixinta ee u dhaxeeya beelaha bariga burco iyo galbeedka burco kaas oo ladh ku kiciyey xukuumadda madaxweyne biixi, ilo xoggogaala oo ay helayso shabakadda qoryaalenews ayaa tibaaxay in xildhibaanada beesha bariga burco qaarkood ka gows adeygeen shirka balse xubno kale oo mashaariic hooska dhiib ah la siiyey ayaa safka hore kaga jira sidii shirkaasi u dhici lahaa kuwaas oo aan awood badan ku lahayn deegaanada ay ka soo jeedaan oo sidii loo doortayna aan hargeysa dhaafin. Xubnaha madaxweynu dhabar taabtay oo xildhibaano beeshiisa ah u badan ayaa jaahwareen ka qaaday hanaankii ay u marilahaayeen sidii ay u baajin lahaayeen shirka burco oo isagu lagu adag ku taagan kaas oo ay gacanta ku hayaan madaxdhaqameed culus oo taageero weyn ku leh deegaanada ay ka soo jeedaan oo aad looga soo dhaweeyey shirka kaas oo noqdey joog iyo jiifba u diiday xukuumadda talada haysa. Shirka hargeysa oo ah mid xambaarsan u jeeda kaliya ayaan waxba ka badelikarin qaban-qaabada shirka dhaqan ee burco lagu qabanayo kaas oo u dhaxeeya beellaha habarjeclo iyo beellaha garxajis. 

 

QoryaaleNews.Net

Qoryaale@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here