Shiinaha Oo Mid Mid U Burburinaya Masaajidadii Islaamka Ee Wadankiisa

0
367

Shiinaha Oo Mid Mid U Burburinaya Masaajidadii Islaamka Ee Wadankiisa.

Warbaahinta Madaxa Banaan  ayaa heshay caddeymo cusub oo ku saabsan howgalka ballaaran oo ay dowladda Shiinaha ku cadaadinayso Muslimiinta ku nool gobolka waqooyiga Xinjiang xilli ay sii kordhayaan tirada masaajidada ay dowladda burburineyso.

Shiinaha ayaa bilaabay howgal ka dhan ah goobaha ay muslimiinta dalkaas ku cibaadeystaan, waxaana dhibaatooyinka loo geysto muslimiinta baaritaanno ka sameeyay weeriyaha BBC John Sudworth.

Masaajidka Id Kah, waxa uu ka mid yahay masaajidada ugu waaweyn ee ku yaalla gobolka Xinjiang, waana meesha muslimiinta ugu badan ay ku cibaadeystaan , waxaa masaajidka lagu xiray kaamirooyin la soconayo dhadhaqaaqa dadka cibaadeysanayo, waa tallaabo u muuqato caburin iyo handadaad ah ah bulshadaas.

Shiinaha ayaa meel mariyay sharci imaamyada ka mamnuucaya inay daystaan garka,” shacabka dalkaas waxay xor u yihiin diintooda, waana rabitaanka qofka haddii uu rabo inuu garkiisa deysto ama in kale, Shiinaha weli kama aysan dhicin caadaadiska dhanka diinta ah.” ayuu yidhi Imaam Kashgar.

Baaritankan ayaa lagu helay caddeymo ah in dad badan oo Muslimiin ah ay ka qaxeen guryahooda iyo in masaajido badan la xiray taasi waxay caddeynaysa ololaha ka dhanka ah muslimiinta dalkaas.

Waxaa sidoo kale Shiinaha laga mamnuucay qaar kamid ah dhaqamada u gaarka ah dadka muslimiinta ah.

Labadii sanno ee la soo dhaafay, magaalooyin iyo tuulooyin tobanaan goobood oo diinta Islaamka lagu baranayay ayaa la burburiyey, sida lagu soo bandhigay baaritankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here