War degdeg ah:Madaxweynihii gobolka Amxaarada oo lagu dilay “afgambigii fashilmay” ee ka dhacay Itoobiya

0
374

War degdeg ah:Madaxweynihii gobolka Amxaarada oo lagu dilay “afgambigii fashilmay” ee ka dhacay Itoobiya.

Warbaahinta dawladda Itoobiya yaa xaqiijisay in afar sarkaal oo uu ka mid yahay taliyihii ciidamada dalkaas, General Seare Mekonnen ay rag hubaysani dileen.

Madaxweynihii gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisii sare Ezez Wasie ayay sidoo kale askartu dileen. 

Waxaana saacadda soo socota shir Jaraa’id qaban doona Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa horay u sheegay in taliyaha ciidamada Difaaca ee dalkiisa la toogtay ayadoo uu qalalaaso ka taagan yahay gobolka Waqooyi ee Amxaarada.

Mr Abiy oo telefishinka ka soo muuqday asagoo qaba dareeska ciidamada, ayaa sheegay in dhowr sarkaal oo kale lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahir Dar.

Goor sii horraysayna xukuumaddu waxay sheegtay in “afgambi fashilmay” uu ka dhacay gobolka Amxaarada.

Wararkuna waxay sheegayaan in khadka internet-ka ee dalku uu go’an yahay.

Wasaaradda arrimaha dibaddda Maraykankuna waxa ay sheegtay in ay ka warhayso wararka ku saabsan rasaas ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Abiy Axmed ayaa sannadkii hore loo dooortay Ra’iisal Wasaare, waxa uuna soo afjaray cadaadiskii ka jiray Itoobiya asagoo siidaayey maxaabiistii siyaasadda u xidhnayd. Waxa uu sidoo kale xayiraaddii ka qaaday axsaabta siyaasadda.

Balse sida Qaramada Midoobay ay sheegtay, qalalaaso qowmiyadeed ayaa dib uga soo cusboonaaday dalkaas, taas oo keentay in 2.4 million oo qof ay barakacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here