Wararki u danbeyay xalada Dalka Itoobiya

0
566

Xog Dheeri Ah Iyo Xaalada Itoobiya.

*Ugu horayn majiro afgambi dhicisoobay balse deegaanka axmaarada waxaa kadhacay afgambi sibuuxda loogula wareegay dhamaan haayadihii dawlada sida Baarlamaanka iyo madaxtooyada.

*Afgambiga cida samaysay maaha maleeshiyaad waa ciidankii booliska gaarka ahaa iyo booliskii iyo maleeshiyaadkii deegaanka waxaana hogaaminaya Taliyayaashoodii iyo hogaankii nabadgaliyada General Asamenew Tsige oo ah ninka afgambiga soo maleegay horayna u ahaa sarkaal milatari.

*Madaxwaynihii deegaanka axmaarada Dr. Ambachew Mokennon iyo Xubin gudi fulin ah oo lagu magacaabo Migbaru Kebede waxaa lahubaa kaliya inay dhaawacmeen lkn majirto cid cadayn karta nolol iyo geeri halka ay kusuganyihiin.

*Waxaa deegaanka lagu soo rogay xaalad milatari waxaana socda hawlo lagu burburinayo ciidanka iyo kooxdan afgambiga gaysatay, lkn ilaa hada majirto natiijo la,ogyahay waana sababtaa mida khadka loojaray ilaa dhinac uu wax udhaco.

_Warka sheegaya in taliyihii guud ee milatariga itoobiya General Seare Mokennon Addis Ababa lagu dhex toogtay maaha war aan xaqiijin karno lkn waxaa jira warar sheegaya in guryaha generaalada magaalada Addis Ababa kuyaala xabad laga maqlayo lkn majiro war sugan oo cadaynaya cida iskaleh guryahaas iyo sababta rasaasta lamaqlayo.

,,Bahirdar waxaa kuwareegsan ciidanka Milatariga ah ee fadhiisinkiisu ahaa Saldhiga Galbeedka Ee Tokor lagu magacaabo.

Wixii soo kordha halkan kala soco.

SDM USA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here